|

Wiil Siiriyaan ah oo Sharciga loo diiday ka dibna isku dhigay Tariinada Dal Yurub kuyaala !! DAAWO

Vienna 30.October 2016 (SDN/QJ):- Wiil u dhashay dalka Siiriya ayaa waxaa la siiyay diidmadii labaad ee Qaxootinimada (negativ) kaas oo dabadeed isku dhigay Tariin iyo gaadiid , wuxuuna qal qal iyo cabsi badan galiyay gadiidka Dadweynaha iyo wadayaasha Tareemada.

 

Arintaan ayaa ka dhacday magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria waxaana si deg deg ah lagu wacay ciidamada Booliiska kuwaas oo ugu dambeeyntii la wareegay kiiska wiilkaan Siiriyaanka ah oo dalka Austria ku noolaa mudo 2 sanadood ah .

 

Wiilkan Siiriyaanka ah oo jahwareer abuuray ayaa mararka qaarkood ku dhawaaqayay takbiirta, waxa uuna dusha ka fuulayay gaadiid qaarkood wadada marayay, waxaana la sheegay in arintan ku kaliftay kadib markii sharciga loo diiday.

Comments are closed