Muqdisho 22.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa amar ku bixiyay maanta in xafiisyada dowladda Somalia ay ku shaqeeyaan wixii maanta ka dambeeya afka Soomaaliga, isaga oo ka digay in hawlaha dowladda loo isticmaalo afaf kale.
Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xoojinayay afka Soomaaliga iyo qoraalkiisa oo soo billaabatay sannadkii 1972-kii, isla-markaana goob-joog ka ahaayeen xubno ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo dublamaasiyiin caalami ah.
“Wixii maanta ka dambeeya xafiisyada dowladda waa in laga isticmaalo afka Soomaaliga oo aan howlaha xiriirka dowladda iyo howlaha dalka iyo dadka loogu adeegayo aan loo istimcaalin luuqado kale.” ayuu yidhi Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha haddii ay ka maarmi waayaan xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah inay luuqado ku qoraan taas ay u fasaxan yihiin, balse shaqooyinka gudaha aan loo adeegsan karin afaf kale.
Ugu dambayn Madaxweyne Xasan ayaa xusay in shacabka iyo dowladda ay ay qiimo weyn ugu fadhido maanta, dowladduna ay dadaal u galayso sidii ay shacabkeeda u bari lahayd qiimaha ay maalinta leedahay.
