|

Xaafado ku yaalla Berbera oo biyo yaraan ka Cabanaya, Wakaalada Berbera iyo Wasaarada Biyaha oo hadalo is khilaafsan kaga hadlay Cabashada Shacabka

Berbera 31.August 2016 (SDN/QJ):-Magaalada Berbera ee gobolka Saaxil  xaafado ka mid ah waxaa jirta biyo la’aan taasi oo shacaku cabasho ka muujiyeen.

 

MUUQAALKA BERBERAQaar ka mida ah Hooyooyinka ku nool Xaafada Finland ee magaalada Berbera oo shalay Idaacada BBCda la hadlaya ayaa sheegay in Toddobadii bilood ee u dambeeyay ay biyo la’aayeen kadib markii  ay biyihii joojiyee Dhuumuhu biyaha keeni Jiray.

 

“Waxaan biyo laanahay 7dii bilood ee u dambeeyay , waxaa biyihii keeni wayday dhuuntii xaafadayada Imanaysay”ayay tidhi Hooyo magaalada Berbera ugu waramaysay Wariye Axmed Siciid Cige, waxayna intaasi raacisay “ Foostadii biyaha ahayd booyadihii waxay ku shubayaan $2 ninkii lacag haysta ayuunbaa ka dhaansanaya kii kale wuxuu  kasoo dhaansanayaa ceelasha biyuhu ka yimaadaan.”

 

Cabashadaasi Dadwaynuhu ka muujiyeen biyo yaraanta ka jirta xaafado ka mid ah magaalada Berbera  waxaa su’aal laga waydiiyay Mareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera waxaanu ku jawaabay “ Biyaha magaalada Berbera waxaa loogu talo galay dadka oo kaliya, waxaa bishan kulul kusoo beegmay mawsinkii xajka oo xoolo badan baa laga dhoofinayaa dekada, dadaalka kasta oo la sameeyo baahida maanta taalaa way ka badan inta aan awoodno, may dhicin maanta ka hor in biyo la’aan laga cawdo”

 

Laakiin, Wasiiru dawlaha wasaarada biyaha Somaliland oo maanta wareysi khaasa siiyay Telefiishanka Star ayaa sheegay inaanay wax biyo yaraan ahi ka jirin magaaladaasi.

 

“Magaaladaasi wax biyo yaraan ah oo taalaa ma jirto, waa ,magaalada kaliya ee aanu ka shaqeyno dalka oo dhan maadaama ay ka dhoofaan xoolaha Somaliland dibada u dhoofiso, waxaa istaagay mid ka mid dhuumuhuu biyaha keenayay magaalada, waxaanu la hadalnay isu duwaha gobolka markiiba waala hagaajiyay dhuntaasi shaacigu galay”ayuu yidhi wasiir Dawlaha Wasaarada biyaha Somaliland.

 

Wasiiru dawluhu waxaa uu sheegay in biyaha magaalada Berbera ay ku filanyihiin oo ay bulshada iyo Xooluhu cabi karaan balse maareeyahay wakaalada Biyaha Berbera waxaa uu dhinaciisa sheegay in waxwalba oo wakaaladu samayso aanay marna awoodi Karin inay biyaha wada helaan xoolaha iyo bulshadu xilliyada xoolaha badin ka dhoofayaan dekada Magaalada Berbera.

Comments are closed