|

Magaalada Wehelka la Ah Qaraxyada ee Muqdisho oo uu Maanta ka Dhacay Qarax Lagu Hoobtay & Wasiirada Dhalasho ahaan ka Soo Jeeda Somaliland oo Ku Dhaawacmay DHAGAYSO

Muqdisho 30.August 2016 (SDN/QJ):-Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay 30 ka badanna wey ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday gaari oo maanta ka dhacay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

5AB2659D-296D-44C6-BE0B-28BEE6D275D8_w987_r1_sHotel SYL ayaa waxa uu kasoo horjeedaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Agaasimaha Ambalaasyada Gargaarka degdegga ee Aamin Muqdishi Dr C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa sheegay in 22 qof ay ku dhinteen qaraxa oo lix ka mid ah ay dumar ahaayeen.

Waxa intaa ku daray in koodiisa gurmadka ay geeyeen cusbiltada Madiina iyo
Waxaa dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen weerarka,WasiirkaWarfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Nuur Faarax Xirsi, iyo Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaga oo xilliga qaraxa hotelka ku sugnaa.

Waxaa sidoo kale dhawacyo fudud ay soo gaareen, xildhibaano iyo wariyeyaal.

Comments are closed