Xaakim Abduqawi oo si lama filaan ah isu casilay

Hague (QJ) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa ku dhawaaqday in Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo Soomaali ah oo muddo dheer ka tirsanaa Maxkamadda, uu qorsheynayo inuu si iskii ah isaga casilo xilka Garsoorenimo ee ICJ, isagoo si rasmi ah xilka uga tagayo 30-ka September 2025-ka.

War saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda ICJ ayaa lagu xusay in inkasta oo lagu wado in xilka uu sii ahaado illaa 5-ta Febraayo 2027, haddana garsoore Cabdulqawi ayaa go’aansaday inuu ka tago shaqadiisa laba sano ka hor dhammaadka xilliga loo igmaday.

Qaramada Midoobay, gaar ahaan golaha ammaanka ayaa mas’uul ka ah qabanqaabada hannaanka doorashada garsoore cusub oo buuxinaya booska uu baneeyay garsoore Cabdulqawi.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ah muwaadin Soomaali ah ayaa tan iyo 6-dii February 2009-kii ka tirsanaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, wuxuuna mudadii uu joogay Maxkamadda ICJ uu sidoo kale soo noqday Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda (2015-2018) iyo kaddib Madaxweyne (2018-2021).

Maxkamaddu ma aysan shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa is casilaadiisa.