Bosaaso (QJ) -Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta oo Sabti ah gacanta ku dhigay nin Ajaanib ah oo ka tirsan Kooxda Daacish, kaasi oo ku dhuumaaleysanayay Buuraha Baallade ee ka tirsan Silsiladda Calmiskaad.
Ninka ay qabteen ciidamada Puntland ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga, waxaana laga helay isagoo biyo ka dhaansanayey ceel ku yaal buuraha Ballaadicade. Wararka laga helayo saraakiisha difaaca Puntland ayaa sheegaya in xilliga la qabanayay uu haystay qori AK-47 ah.
“Cutubka 3-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin argagixiso ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiga, balse ka tirsan kooxda Daacish, ninkan ayaa la qabtay isaga oo kaligiis ah, isagoo ceel biyo ka dhaansanayey, isla markaana ku hubaysnaa AK-47, balse ma jirto koox kale oo lagu helay,”* ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saareen qaybta saddexaad.
Ajnabiga la qabtay ayaa loo gudbiyay saldhig gaar ah oo ay leeyihiin ciidamada Puntland, waxaana halkaasi lagu weydiyay su’aalo la xiriira inuu ka tirsan yahay Daacish iyo dib u dhaca xooggan ee kooxda ay ku hayaan.
