|

‘’Xadhigaygu wuxuu ka dhashay taageerada aan u hayo Musharraxa bila Godobta ah ee Jamaal Cali Xuseen,Waxaanan Xaal ka Bixinayaa Hadalkii Muuse Biixi’’ Suldaan Mawliid Sabayte DAAWO

Hargaysa 29.May 2016 (SDN/QJ):-  Suldaan Mawliid Sabayse oo markii ugu horaysay banaanka soo dhigay waxyaabihii sababay xadhigiisa, isagoo ku siffeeyey inay ahayd wanjalaad lagu sameeyey iyo taageerada uu lagarab taagan yahay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Sidoo kalena xaal ka bixiyay hadal uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Reer Berbera ku sheegay inay dadka soo booqda Kabaha iyo Mobileka ka xadaan, Badana Ceejiyaan maydkoodana dib loo saaro gawaadhida,
Anigu odhan maayo reer Berbera Kabahay dadka ka Xadaan ee waxaan leeyahay Gobonimada Somaliland Berbera ayey fadhidaa, taas horena Xaal ayaan ka bixinayaa,… xadhigaygu wuxuu ka dhashay taageerada aan u hayo Musharraxa bila Godobta ah ee Jamaal Cali Xuseen, halkan waxa fadhiya Nin Mutacalim ah oo ku jira Boqolka Nin ee adduunka ugu sarreeya, Jamaal cali Xuseen nin qaali ah weeye, waananu Taageersanahay dhamaantayo oo hiil iyo hooba waanu la garab joognaa…beesha Subeer Awal waa beel ballaadhan Somaliland-na waxbaynu la leenahay, kolay waxa jiray beri dhoweyd oo qoryo nalagu Sawiray oo la yidhi sallaadiintaasi qoryo ayey siteen, laakiin anigu madashan kaga jawaabi maayo oo waa madal dhaqan, balse aniga iyo NinkiiTv-ga ka hadlay Midkaayo ayaa Day-day noqon doona”. Suldaan Mawliid Sabeys

Comments are closed