|

Xadigii ugu Badnaa ee Maandooriyaha Khamriga Iyo Xashiishada oo Maanta Meel Fagaare ah oo Magaaladda Burco ah Lagu Gubay,Xashiishad lagu Beero Guri Ku Yaala Burco oo La Shaaciyey & Dooda Garsoorka DAAWO

Burco 11. February 2018 (SDN/QJ):-Ciidamada booliiska Somaliland ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku qabtay Khamri aad u tiro badan iyo Xashiishad lagu iibinayay qeybo kamid ah magaaladaasi.

Booliiska Burco ayaa qabtay 904 Quraarado amase Dhalo oo Khamri ah iyo Maandooriyaha Xashiishka oo gaadhaya Hal Kiilo iyo Badh, waxaana waxyaabahan maanka dooriya ka ganacsanayay dad magaalada jooga.

Maandooriyahan ay qabteen ciidamada booliiska ayaa qaar kamid ah lagu beeray guri kuyaala magaalada Burco , halka khamriga ciidamada kasoo aruuriyeen qeybo kamid ah gobolka Togdheer.

Fagaare kuyaala Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa lagu bur buriyay Quraaradaha Khamriga ahaa halka sidoo kale dab la qabadsiiyay waxyaabaha kale ee maanka dooriya sida Xashiishka.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaa si weyn looga isticmaalaa waxyaabaha maanka dooriya sida Khamriga iyo xashiishka, ciidamada booliiska ayaana dagaal kula jira sidii ay waxyaabahaasi maanka dooriya uga hortagi lahaayeen.

Comments are closed