|

Xaraaradda Tartanka Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo Cirka Maraysa, Goobaha Codadka Buurani Yaallaan Ee Lagu Dagaalami Doono Iyo Deegaamada Musharraxiinta Tartamaysaa Ku Kala Calaf Qaadi Karaan Dhinaca Guusha!!!

Hargaysa 18. October 2017 (SDN/QJ):- Iyada oo muddo dhawr iyo Labaatan Maalmood ahi ka hadhsan yihiin qabsoomidda doorashooyinka qaranka ee Madaxtooyada ayaa waxa si weyn isu haya xisbiyada tartanka doorashada Somaliland ku loollami doona iyada oo saacad walba iyo wakhti walba xibsiyada, gaar ahaan WADDANI iyo KULMIYE oo u muuqda kuwa ugu xooggani saddexda xisbi qaran ay ku jiraan abaabul iyo taageero urursi ayaa waxa muuqata in goobo codad badani yaallaan oo ku kala yaalla Gobollada Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sool Iyo Sanaag ay noqon doonaan kuwo si adag la isugu qaban doono oo tartan qadhaadhi ak dhici doono.

Inkasta oo deegaamada ay ka soo kala jeedaan Labada Musharrax ee Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro ay u badnaan doonto in ay ku kala horreeyaan dhinaca tirada Codadka ayaa haddana waxa dhinaca kale ay labadan Musharrax tartan adag u gali doonaan deegaamo dhawr ah oo codad badani yaallaan dad badanina iska diiwaan galiyeen oo dagaalka ugu adagi ka dhici doono kaambayn culusina in muddo ahba ka socdo, xisbigii codadka ugu badan ka helaana guusha kula carraabi doono inkasta oo dadka siyaasadda Somaliland odorosaa ku doodayaan in ay noqon doonto doorashado aad la isugu dhawaado oo aan codad baaxad weyn lagu kala tagin sidii tii doorashadan ka horraysay ee sannadkii 2010 oo xisbiga KULMIYE codad badan ku dhaafay xisbiyadii la tartamayay ee UDUB iyo UCID.

Gobolka Awdal oo ay ka soo kala jeedaan labada Musharrax Madaxweyne ku-xigeen ayaa ah Gobol si weyn la isugu hayo iyada oo cidda ay taageerada ugu badan siiyaan dadweynaha reer Boorama noqon doonto cidda guusha cidhifka qabsan karta. Cod-bixiyayaasha beesha uu ka soo jeedo Siyaasi Axmed Muumin Seed ayaa la filayaa in codkoodu saamayn weyn ku yeesho Gobolka ciddii ay taageeraana wax weyn u kordhin doonto taasi oo keenaysa in labada xisbi si weyn ugu tartamaan taageerada Cod-bixiyayaashaasi.

Dhinaca Degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo codadka ugu badani dalka iska diiwaan geliyeen ayaa noqon doona fagaare labada Musharrax ee Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro si weyn ugu loollamaan. Waxa ay si weyn si weyn iskugu hirdiyi doonaan deegaamo badan oo ka tirsan Gobolka Maroodi Jeex oo uu yaallo codka ugu buurani marka loo eego Gobolada Dalka ee kale, waxaana ka mid ah Deegaamada ugu codka buuran ee ay sida gaar ah isku haleeli doonaan Kulmiye Iyo WADDANI, Degmadda Gacan libaax oo ay yaalaan 28,610-cod, Degmada Ibraahim Koodbuur oo ay yaalaan 29,052-cod, Degmada 26 June oo ay yaalaan 30,837-Cod, Degmada Axmed dhagax- oo ay yaalaan 22,760-Cod, Degmada Maxamuud haybe oo ay yaalaan 29,747-Cod, Degmada Sabo wanaag oo ay yaalaan 13,258-cod, Degmada Balligubadle oo ay yaalaan 11,623-cod, Degmada Salaxley oo ay yaalaan 12,135-cod, iyo Degmada Gabiley oo ay yaalaan 46,143-cod.

Dhinaca Gobolka Togdheer marka laga yimaad degmooyinka Gobolka waxa si gaar ah labadan xisbi ugu dagaalami doonaan codadka yaalla degmada Burco guud ahaan iyada oo labada xisbiba taageero weyn ku haystaan.

Arrinka xiisaha lihi waxa uu noqon doonaa Dhinaca Gobolka Sool oo markii ugu horraysay taariikhda Somaliland uu ka tartami doono Musharrax Madaxweyne ku xigeen oo ka socda xisbiga UCID kaasi oo la filayo in uu labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE ku karbaashi doono gobolkaasi inkasta oo labadan xisbiba filayaan in codadka ugu badan ay ka helaan waxaana si gaar ah loogu loollami doonaa Degmooyinka Laascaanood, Xuddun iyo Taleex oo markii ugu horraysay tiradii ugu badnayd ay kaadhadhka codbixinta ka qaateen waana gobol ay xisbiyada tartamayaa si weyn ugu loollami doonaan.

Isku soo wada duuboo doorashada sannadkan ee Madaxtooyada ayaa ah mid xaraaradeedu aad u sarrayso xisbiyada qarankuna si adag u baratamayaan inkasta oo arrimaha taban ee ay leedahay ay ugu weyn tahay qabyaaladda iyo reernimada oo meel halis ah maraysa, bulshada Somaliland-na looga baahan yahay in ay aad uga waantoobaan durbaannada qabyaaleed ee qaar ka mid ah siyaasiyiintu tumayaan.

Isku-soo xooriyoo Deegaamada Gobollada Awdal, Saaxil, Sanaag Iyo Sool ayaa la filayaa in ay noqon doonaan goobaha kala saara ee Musharraxiinta Madaxweynuhu ku kala calaf qaadaan marka laga tago Deegaamada kale ee ay dhalasho ahaan codadka ugu badan ka filayaan.

Comments are closed