|

Xarardheere oo ay ka socdaan hawlgalo lagu hoobtay

Xarardheere February 26, 2024 (QJ) -Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in dhaq dhaqaaq ciidan oo xoogan uu ka socdo deegaanka Baraag Cali-gaduud.

Deegaanka Cali-gaduud oo 40 KM u jira Xarardheere ayaa waxaa haatan laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Howlgalkan ayaa lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in dhimashadu ay gaareyso ilaa toban ka tirsan kooxda argagixisada ah.

Maleeshiyada la dilay ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalyahanadii gudaha u galay deegaanka, waxaana howlgalkan ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Sidoo kale, ciidamada howlgalka sameeyay ayaa gacanta ku dhigay hub ay lahaayeen Al-shabaab, waxaana howlgalka uu yahay mid weli socda, kaasoo ujeedkiisu yahay sidii looga sifeyn lahaa cid walba oo ku harsan, lana sugo ammaanka deegaanka.

Howlgalladan ciidan ee muhiimka ah ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii dambe ay gobolkaasi ku soo badanayeen weerarada ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka geysanayaan deegaanno ka tirsan gobolkaasi, kuwaasi oo la sheegay in ay kordhiyeen howlgallada amniga lagu sugayo iyo jawaabaha ciidamada.

Comments are closed