|

Xiisad Siyaasadeed oo ka dhex curatay USA iyo Turkiga,xukuumada Ankara oo u yeedhay Safiirkii Turkiga ee Maraykanka

Ankara 11,February,2015(SDN/QJ):-Dawlada Turkida ayaa Salaasadii u yeedhtay Safiirka Maraykanka u fadhiya dalkaasi, kadib markii ay xukuumada Ankara ka cadhootay hadalo kasoo yeedhay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka.

 

 

Barack Obama, Recep Tayyip ErdogranQoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dawlada Maraykanka aanay  urur argagaxiso u aqoonsaneyn kooxda Kurdida ee PYD oo ka dagaalanta dalka Siiriya.

 

Dawlada Turkiga oo kamid ah Xulafada Maraykanka ee NATO ayaa iyadu u aqoonsan kooxaha kurdida ee PYD iyo PKK kooxo argagaxiso ah. PYD ayaa ah jabhada hubeysan ee Kurdida Siiriya, PKK ayaa iyaduna ah jabhada Kurdida ka dagaalama bariga Turkiga iyo waqooyiga Ciraaq.

Turkiga ayaa bilihii lasoo dhaafay dagaal kula jiray kooxaha Kurdida waana arrinta keentay inay xukuumada Ankara ka cadhooto siyaasada Maraykanka uu doonayo inuu xidhiidh kula sameysto jabhadaha Kurdida oo iyagu dagaal toos ah kula jira kooxda Daacish.

Wadanka Turkiga ayaa laga cabsi qabaa inuu si toos ah lugta ulla galo dagaalka Siiriya, kadib markii ciidamada Dawlada Bashaar Al Assad oo taageero ka helaya Ruushka ay dhul badan ka qab sadeen kooxaha mucaaridka ah ee Sunnida Siiriya.

Sidoo kale Kooxaha Kurdida oo xiligan dagaal aan kula jirin Bashar Assad ayaa dhankooda la wareegay dhul badan oo saaran xaduuda Turkiga iyo Siiriya, taasi oo ay si weyn u dhibsaneyso dawlada Turkiga.

Comments are closed