|

Xilal Su’aalo Dhaliyey,Wasiiro Hoos loo dhigay,Kuwo la Naawilayay oo Laga Reebay,Mas’uuliyiinta Heshiiskii Dekeda Berbera Galaaftay Iyo Khilaaf Lagu Xaliyey Dhinac kastaa ha Guulaysto

Hargaysa 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- Abbaaro Rubuc saac markii ay goor-sheegta Bariga Afrika dhaaftay habeen badhkii ay soo gelaysay Isniintu, ayaa xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu warbaahinta soo gaadhsiiyey digreeto ka soo baxday madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xambaarsan xilal magacaabis, is-ku-beddel iyo xil-ka-qaadis saamaysay 47 kursi oo ka mid ah haayadaha kala duwan ee xukuumaddiisa.

xubnaha-la-magacaabayIsku-shaandhayntan oo toddobaadadii ugu dambeeyey ahayd mawduuca loogu hadal hayn badan yahay golayaasha siyaasadda lagu falanqeeyo  ee dalka, ayaa marka laga tago kala duwanaanta xilalka ay saamaynayso ee qofba qaar sheegayey ama kuwo aan ku jirin la hadal hayey, waxa ay dhammaan isku waafaqsanaayeen in ay soo guuxayso iyo inay ku jiraan  rag badan oo isku shaandhayntu rumaysay.

Isku shaandhayntan ayaa ahayd isbeddelkii ugu ballaadhnaa ee madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey xukuumaddiisa tan iyo markii uu soo dhisay oo laga joogo 72 bilood iyo maalmo.

Haddaba magacaabista kadib iyo xitaa saacado yar ka horba waxaa durbadiiba bilowday falanqaynta iyo doodda la xidhiidha isku-shaandhaynta, uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey golihiisa waxaana markiiba  bannaanka u soo baxday hadal haynta qodobbo muhiim ah oo aynu ku soo koobayno falanqaynta uu Geeska Afrika ka diyaariyey isku-shaandhaynta madaxweynaha:

Wasiirrada hadal hayntoodu beenowday:

Bilihii u dambeeyey waxaa si aad ah la isula dhex marayey in isku shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo ay saamayn doonto wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo in kasta oo uu muddo ku soo jiray siyaasadda dalka horena u soo qabtay xil wasaaradeed oo kan hadda ka horreeyey, haddana tan iyo markii uu buuxiyey jagadaas oo uu banneeyey wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo is casilay Toban bilood ka hor, ay soo baxayeen ifafaalooyin muujinaya hoos u dhac ku yimid xawligii iyo habsamidii ay ku soo socotay wasaaradda madaxtooyada oo si ka duwan xukuumadihii hore ee Somaliland xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka ah wasaarad aad u muhiim ah.

Wasaaraddan oo marka laga tago shaqada ballaadhan ee gudaheeda ka socda sidoo kale xidhiidh adag oo shaqo la wadaagta haayadaha kala duwan ee dawladda, kuwa madax bannaan iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa waxaa marar kala duwan soo yeedhay hadallo lagu dhaliilsan yahay shaqada wasaaradda.

Haddaba waxa ay dad badani soo bixistii isku shaandhaynta ka hor filayeen in Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ugu yaraan wasaaraddan laga beddeli doono, iyada oo ay jireen warar sheegaya in wasaaradda madaxtooyada uu iman doono wasiirka wasaaradda hawlaha guud mudane cali xasan maxamed (Cali Marreexaan) oo muddooyinkii u dambeeyey aad loogu garab arkayey madaxweyne Siilaanyo, waqtiyo uu ku jiro hawlo qaran oo aan wasiirka khusayn.

Wasiirrada hoos u dhacay:

Isku-shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo waxaa ku jiray arrimo ugub ku ah dabeecadihii looga bartay, oo ahaa in masuulka xilka laga beddelayo la geeyo mid darajo ahaan la siman kan uu hayey. Arrimaha indhaha sida gaarka ah u soo jiidanayeyna waxaa ka mid ahaa, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, oo ahaa wasiirka wasaaradda koowaad ama labaad ee ugu miisaanka culus Somaliland, isla markaana hore u ahaa wasiir saddexdii madaxweyne ee u dambeeyeyba u dhiibeen xilal wasaaradeed, marna ahaa murashax madaxweyne, in loo magacaabay wakiilka xafiiska diblumaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya, oo weliba la sii kala dhambalay, oo gaar looga saaray hawlaha Midowga Afrika ee xaruntiisa Addis Ababa tahay oo iyada uu madaxweynuhu u xil saaray wakiilkii hore ee Addis Ababa Mudane Aadan Muuse Jibriil.

 

In kasta oo aanu mudane Waran-Cadde illaa hadda ka hadal dareenkiisa arrintan la xidhiidha, haddana u qaadan waaga bulshadu waxa uu ka muuqday sida markiiba ay suuqa u soo galeen warar sheegaya in aanu xilkaas qaadanayn ama diidayba. Ma jiro sabab rasmi ah oo uu madaxweyne ku sheegay wareegtada xil-ka-qaadista,  laakiin waxaa muddooyinkii u dambeeyey dibadda u soo baxayey in wasiir Waran-cadde aanu kalgacal badan ka haysan aqalka madaxtooyada ama ugu yaraan loo arkayey nin aan u jajabnayn in uu la jaan-qaado hannaanka shaqo ee xukuumaddu ka rabto.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah, mudane Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo isna muddo gaaban oo uu hayey xilka afhayeenka madaxtooyada  dhaqso ugu dallacay wasaaraddan ayaa mar kale hoos loogu soo celiyey xilkii uu ka tegey, Mudane Xuseen Deyr, ayaa maalmihii u dambeeyey laga dareemayey in aanu ka dhex muuqan mashruuca kiraynta dekedda Berbera oo ay dawladdu bilihii yaraa ee ka horreeyey ansixintii wakiillada dadaal adag u gashay in ay cid kasta ku qanciso wanaaggiisa.

Xilli masuul kasta oo darajada uu doono haka hayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee, iyo xitaa madax-dhaqameedyo iyo dad aanay  arrintani baadi u ahayn ay xukuumaddu u diraysay, ayaa waxaa aad loo dareemayey kaalintii wasiir Deyr oo maalgashiga caalamiga ahi qayb weyn ka yahay waajibaadkiisa. 6dii  Ogost markii xubno wasiirro iyo masuuliyiin kale isugu jiraa ay hortageen golaha wakiillada si ay xildhibaanada uga qanciyaan wixii ay su’aalo ka qabaan heshiiska ayaa Geeska Afrika oo ka dhex arki waayey wasiirkii shaqadan lahaa xilli wasiirro aanay khusayni fadhiyeen sidaa awgeed  waxa uu Mudane Xuseen Deyr oo uu wax ka weydiiyey sababta uu  ku jawaabay ereyo maldahaadi ka muuqato oo uu shaqadan uu lahaa uga mahadnaqayo cid kale oo qabatay, waxa aana ka mid ahaa  “Wasiiraddu iyaga ayaa hawsha badankeeda qabtay, waanan ku hambalyeynayaa,  Guddida aan ka mid ka ahaa ayaa guusha Qaranka u soo hooyey, Madaxweynaha ayaana magacaabay waxaanay u xilsaarnaayeen in Shirkada DP World lala galo wada xaajood, markaas waan ugu hambalyeynayaa saaxiibaday guushaas ay soo hooyeen, Xukuumad ahaana waa  mid aanu ku faanayno”

In kasta oo uu wasiir Xuseen Deyr waraysigaas ku diiday inay jiraan sababo kale oo uu uga dhexmuuqan waayey hawsha heshiiska dekedda, haddana waxa ay su’aashaasi mar kale soo noqotay markii uu madaxweynuhu xalay ku daray masuuliyiinta qaranka ee uu xilkooda hoos u dhigay.

Maareeyihii dekedda Berbera oo ay marar badan soo baxeen warar sheegayey in uu ka soo horjeedo heshiiska dekedda, balse isagu si aan adkayn u deedifeeyey, ayaa isna aakhirkii ay soo baxday in uu ka mid yahay ragga ay xukuumaddu saluugtay sida uu laabta uga xidhay heshiiskan oo qasriga madaxtooyadu si weyn dabada uga wadday. Waxa se’ yaab noqotay in madaxweyne Siilaanyo uu mar kale Cali Xoor-xoor is weydaariyo Mudane Axmed Yuusuf Dirir oo madaxweyne Siilaanyo uu xilka Maareeyaha u magacaabay  markii uu soo dhisay xukuumaddiisii u horreysay, balse in kasta oo xilligaas Mudane Dirir aad loogu ammaanay shaqada haddana madaxweyne Siilaanyo 18 bilood gudahood kaga  qaaday iyada oo wararku sheegeen in ay madaxtooyadu u aragtay in uu gaabis ka yahay isku xidhka xukuumadda iyo beeshiisa oo markaas dareen siyaasi ahi ka dhex jiray, dibna u soo celiyey Eng. Xoor-xoor, tan iyo 14kii bishana xilkaa hayey.

Saamaynta isku-shaandhayta ee wasaaradda Waxbarashada:

Maalmihii u dambeeyey waxaa bannaanka u soo baxay khilaaf ba’an oo ka dhex jiray masuuliyiinta ugu sarraysay wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, khilaaf ka dhex bilowday agaasimaha guud iyo wasiirka ayaa markii dambe u muuqday inuu gaadhay labada masuul ee ku afareeya wasaaradda oo kala ahaa wasiiru-dawlaha iyo wasiir ku xigeenka oo la kala saftay  labada masuul,  dhambaallo kulul iyo qoraallo weerar iyo werar celis ah ayaa ay isdhaafsadeen masuuliyiintani, sidoo kale xubno shaqaalaha wasaaradda ka mid ah ayaa uu khilaafku ku fiday.

Haddaba madaxweyne Siilaanyo oo muddadaasba laga sugayey in uu arrintan xalkeeda keeno ayaa u muuqda in uu aakhirkii qaato go’aan ah dhinac-waliba ha guulaysto, isaga oo masuuliyiintan oo eedaha ay is-dhaafsadeen mudnayeen in cidi qaladka yeelato, ayaa uu madaxweynuhu xalkii ku soo koobay in uu afartii masuul ee labada dhinac kala ahaa uu dhinac kasta hal masuul ka kaxeeyo. Kadib markii uu wasiir-ku-xigeenkii u beddelay wasaaradda warshadaha, halka uu agaasimihii guudna u kaxeeyey dhinaca Guddida La Dagaalanka AIDS-ka (SOLNAC).

Arrimaha xiisaha leh ee ku jiray Isku-shaandhaynta:

 

Isku shaandhayntan u dambaysay ee Madaxweyne Siilaanyo arrimaha xiisaha gaarka ah leh ee ay kuwii hore kaga duwanayd waxaa ka mid ah, in lagu arkay masuuliyiin miisaan leh xilal muhiim ahna hayey oo uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay xilal ka hooseeya kuwii ay hayeen, in kasta oo aan dareenkooda la ogeyn taasina waxa ay noqotay arrin ku cusub saaxadda Somaliland, waxa se ka sii xiise badnaa in madaxweyne Siilaanyo markii ugu horreysay taariikhda xil magacaabiseed ee Somaliland uu magacaabay la’taliye wasiir, taas oo dad badani is weydiinayaan sida ay u wada shaqayn karaan wasiir iyo la’taliyihiisa oo ku magacaaban wareegto la mid ah tan uu wasiirku ku magacaaban yahay, sida caadiga ahna la’taliyeyaasha oo dhammaan wasaaraduhu leeyihiin waxa ay ka mid yihiin shaqaalaha wasaaradda waxaana  soo magacaaba wasiirka iyada oo qaarkood ka gunno qaataan haayado caalamiya oo wasaaradaha ka caawiya dhinaca tayeynta maamulka iyo shaqada wasaaradda.

 

Ugu dambayntii Isku-shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey golihiisa xukuumadda ayaa halka ay ugu macdahay ay tahay in uu mid ka mid ah wasaaradaha ugu muhiimsan dalka u magacaabay wasiir ka soo jeeda beesha Dhul-bahante oo muddo dheer qabtay cabasho la xidhiidha saamiga laga siiyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo xilkani noqonayo kii ugu sarreeyey ee  qof beeshaas ka soo jeedaa qabto, waxa se jira dhaliilo badan oo la xidhiidha in madaxweynuhu aanu sidoo kale hoos u eegin tabashada ay beelaha la hayb-soocaa ka qabaan saamiga uu ka siiyey xukuumaddiisa iyo sidoo kale dumarka.

Comments are closed