|

Xildhibaan Ibraahin Rayte oo si Mug leh uga hadlay Obocda Sicir bararka iyo Sida looga dabaalan karo!!!

Hargaysa 21. March 2018 (SDN/QJ):-Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte ayaa golaha wakiilada ka hor sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dalka ka taagan ay tahay in lacagtii dalka uu meesha ka saaray doolarku, isla markaasna lagu kala iibsanaayo wax kasta oo dalka gudihiisa loo baahdo,la kaydsanaayo iyada oo dibadiina wax lagaga soo iibsanaayo.

Xildibaan Rayte waxa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in dalku sameeyo xeerkii lacagta lana mamnuuco in waxbaba lagu kala iibsado dalka gudihiisa doolarka si meesha looga saaro baahida saa’idka ah ee uu yeeshay, loona ilaaliyo shaqada lacagta dalka.

 

Xildhibaan Rayte waxa uu xusay in aan haatan la abaarin wadadii wax lagaga qaban lahaa dhibaatada dhanka lacagta ah ee dalka ka taagan, waxaanu soo jeediyay in wax ka qabashada koowaad noqoto in lacagtii dalka shaqadeedii loo soo celiyo doolarkana lagu koobo in dalka dibadiisa uun wax lagaga soo iibsado, waxaana isaga oo arimahan si qoto dheer uga hadlaaya uu ka yidhi fadhigii golaha wakiilada ee shalay “Arintu waxa ay ka cakirantahay oo uu saldhigeeda koowaad uu yahay laba arimood, ta koowaad doolarku Somaliland marka uu joogo laba hawlood ayuu qabtaa, mar waa badeecad suuqa taala oo la kala iibsado, qiimahiisuna waxa uu ku xidhan yahay baahida loo qabo iyo sida loo helaayo, haddii sonkortu magaalada ka yaraato ama baahideedu ay intii markii hore ka badato sonkortu waa ay qaliyoobaysaa waana wax caadi ah, doolarku waa uu qaaliyoobayaa haddii baahidiisu ay intii loo qabay ka badato, hadaba baahida doolarka loo qabaa maxay tahay?  waa mar ee dibada ayaynu wax kaga soo iibsanaa, taasi waa caadi dalal badan ayaana inala wadaaga, doolarku taas oo qudha inooma qabto ee waxa uu doolarku badalay lacagteenii,shaqadii uu qaban lahaa shilinka Soomaaligu ayuu doolarku qabtaa, oo waa maxay? waxbaa lagu kala iibsadaa, oo inanka yar ee baalashka ii sameeyaa doolarbuu qaadanayaa, kiradii guryaa doolarbaa lagu bixiyaa,dugsiyadii doolar,jaamacadii,dhulki iyo baabuurtii waxa lagu kala iibsanayaa doolar, dawlada laftigeeda ayaa goobaha qaarkood doolar ku qaada oo aan shilinka kaa qaadayn, markaas maxaa dhacaaya? baahidii doolarka loo qabay waa ay badanaysaa, maaha baahidii ku eekayd in ganacsatadu uun ay dibada wax kaga soo iibsato.”

 

Xildhibaanka oo sii hadlaayay waxa uu yidhi”inta dibada wax lagaga soo iibsadaa waxaan qabaa inay tahay wax yar marka loo eego lacagta suuqa wareegaysa ee wax lagu kala iibsanaayo,markaas maxaa dhacaaya, doolarka baahidii loo qabay waa ay badanaysaa, baahidii shilinka laanta ah loo qabayna waa ay yaraanaysaa, sida oo kale lacagtii laanta ahayd ee suuqa taalay waa ay ka badantahay intii baahi looga qabay. lacagta waxbaa lagu kala badashaa,qiimaha aad haysatana waa lagu kaydsadaa  oo lacag ahaan ayay kuugu oolaysaa, sida oo kale waa wax lagu xisaabtamo,hadaad saddexdaas shaqo eegto sadexdaba doolarka ayaa qabta, marka ay laan ku soo gasho doolarbaad u badalaysaa waayo iyada waxba kuma kaydino oo dadku ma aaminsana,wax kasta waxaynu ku xisaabinaa doolar, hadaan maanta ku idhaahdo shan milyan weeye waxa aad igu odhanaysaa waa imisa ( Doolar ),miisaaniyadeena doolar ayaynu ku xisaabinaa oo shirkadaha iyo cid waliba waxay ku xisaabtan taa doolar.”

 

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte waxa uu xalka ku tilmaamay in meesha laga saaro wax ku kala iibsiga dalka gudihiisa ee doolarka iyo in la sameeyo xeerka lacagta dalka oo ciqaabtiisa wata”Xalka koowaad waxaan u arkaa, aduunyada ma jiro dal lacagtiisa mooyaane lacag kale gudaha wax lagaga iibsadaa, Itoobiyadan inoo dhaw tag, markaas inaga sharcigii lacagta ayaa meesha ka maqan, lacagtuna waxay ku fadhidaa awood dawladeed, waa in aanay dalka ka dhicin wax wax kala iibsi ah oo aan lagu qaadan lacagta laanta ah, markaas doolarka qof u baahan maayo, imika qof walba jeebka doolar ayaa ugu jira,waa in la sameeyaa sharcigii lacagta oo dalka gudihiisa laga mabnuucaa lacag aan lacagta Somaliland ahayn, hadii aynu dal nahay. maxaynu ugu war wareegayna Zaad,Edahab iyo sariflayaal iyo sababtu maaha oo inaga oo taagan ayay lacagteenii lacag kale meesha ka saartay, marka wax lagu kala iibsanaayo laanta qofku waxa uu ku qasbanaanayaa in uu baanka tago oo soo sarifto, qofna uma baahnaan doono inuu doolar haysto, waxa doolarka u baahanaaya  ninka dibada wax kaga soo iibsanaaya oo kaliyaata, ninka gudaha joogaa doolar u baahan maayo, meesha ay sartu ka qudhuntay waxa weeye in doolarku lacagteeni badalay lacagteeniina aynu iska soo daabacayno, xukuumada waxa looga baahan yahay inay keento xeerkii lacagta lagu maamulaayay oo wata ciqaabihiisa, wax kasta oo lagu kala ganacsdaana waa in lagu kala iibsado lacagta Somaliland, suuqa durba waxa la leeyahay lacagtii laanta ahayd ayaa la diiday waa danbi.”

Comments are closed