|

Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ku Baaqay in Laba Sannadood ah Loo Kordhiyo Xukuumadda, Doorashaddana dib Loo Dhigo

Burco 07. December 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka degmadda Burco, ayaa sheegay in marka laga eego saameynta abaarta ba’an ee ka jirta gobollada bariga Somaliland, aanay suurto-gal ahayn in doorashada madaxtooyadda lagu qabto wakhtigii loo cayimay oo ahaa 28-ka Bisha March 2017, waxaannu ku baaqay in muddo laba sannadood ah oo kale loo kordhiyo xukuumadda Somaliland.

xildhibaan-bidhi-1Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu sheegay in dadka reer guuraaga ah ee gobollada bari ay muddo lix bilood ah ku qaadan karto inay dib ugu noqdaan deegaannadii ay ka soo guureen. Waxa kaloo uu siyaasiyiinta iyo bulshadda ku booriyay in loo soo jeedsado gurmadka dadka abaaruhu hayaan.

“Waxaan in badan aan arkaa iyada oo laga hadlayo siyaasadda, xaaladda ay ku sugan yihiin gobollada bari bulshadii meelihii ay yaaleen waa ay ka guureen, waxaan soo jeedin lahaa in abaaraha gurmadkooda loo soo jeedsado oo dadka wax la taro, doorashadana Hay’adaha sharciga ah ee ku shaqada lihi ha kordhiyeen muddo laba sanno ah, waayo doorasho lama qaban karo oo dad iyo xoolaba waa ay dhimanayaan. doorashana innooma dhowa, dadka xataa haddii la is yidhaahdo kaadhadhka siiya halkii uu qof waliba degannaa wuu ka guuray.

xildhibaan-bidhi-3-2Waxa laga yaaba in dadkaas maanta guuray ee ay abaartu ka hayaamisay goobahoodii ay muddo lix bilood ah ku soo noqdaan, markaa hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh waxaan ka codsanayaa inay xukuumadda u kordhiyaan muddo laba sannadood ah,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi, oo ka hadlayay munaasibad uu ku wareejinayay Guddida abaaraha ee gobolka Togdheer, lacag ay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda Helisinki ee dalka Finland ku soo hagaajiyeen, waxaannu yidhi, “Deeqdan lacageed waxa soo diray jaaliyadda Helisinki ee dalka Finland, waxaanay ii soo direen lacag dhan laba kun iyo toddoba boqol iyo konton dollar, waan u mahad-naqayaa Iimaan Sahal Cawad oo ah wiil ciyaar yahan ah lacagtan ii soo wakiishay inaan ku wareejiyo Guddida gurmadka abaaraha ee gobolka Togdheer, waxaanan ku wareejiyay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabyotire.”

Sidoo kalena, Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabyotire oo haatan loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo xildhibaanka kala wareegay lacagtaas, ayaa u mahadceliyay dadkii lacagtaas soo diray, waxaannu yidhi “Iimaan Sahal Cawad iyo dhallinyarada la midka ah ee uu ka soo ururiyay ee wadanka Filand caasimadiisa Helisinki, ma aha markii ugu horeysay ee ay wax soo diraan waanan uga mahad-naqaynaa kaalmadooda, halkii aad ka soo saarteenna waxsan Ilaahay haydiinku bedalo, xildhibaan Mubaarigna aad iyo aad ayaanu ugu mahad-naqaynaa.”

Comments are closed