|

Hoos u dhaca shillinka Somaliland,Saamaynta Bulshada Iyo Aamusnaanta Xukuumadda ee Jaangoynta Sarifka Dollarka

Hargaysa 07. December 2016 (SDN/QJ):-Todobaadkii ugu danbeeyay sarifka lacagta qalaad gaar ahaan dollarka ayaa gaadhay, halkii ugu sareysay abid iyada oo lagu sarifayo boqolka dollar sided boqol iyo konton kun oo shilinka Somaliland ah.

shilinkaShacabka ku dhaqan guud ahaan Somaliland gaar ahaana caasimada ayaa siweyn uga qayliyay, jahwareerka dhiig miiratada ah ee ku yimid is bed bedalka lacagta, ku dhacda koox ay ugu magac dareen, qowlaysato sarif-layaala.

Xukuumada Somaliland oo ay wakiil uga yihiin ilaalinta lacagta Hay’adaha baanka dhexe iyo wasaarada maaliyadu ayaan marnaba ka hadal, sababta keentay in mar qudha sarifka lacagtu halkaasi gaadho.

Qaarka mida dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa ahna dad danyar ah ayaa ku tiraabay “Iskuulkii dollar ayaa nalagaga doonayaa, leydhkiina  dollar ayaanu ku bixineynaa, kiradu waa dollar, wax walba dollar ayaa loo adeegsanayaa, saaka lacagtii Somaliland waxba weynoo jari weyday”

Dhinaca kale waxa diihaal, iyo daranyo nafeed la kowsaday dadka danyarta ah ee maalin dagaalkoodu ahaa wax aan dhaafsiineyn masaarifta.

Dadka ku nool Somaliland ayaa u badan dabaqada saddexaad, mana awoodaan inay la jaan-qaadaan kor u kaca kadiska ah ee sarifka dollarka.

Geesta kale Madaxweynaha Somaliland ayaa guddi uu kal hore u xil saaray, xakameynta lacagaha qalaad iyo sixir bararka, ayaan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin iyo qaab ay uga hawl galeen, xaalada dhaqaale ee soo noq noqoneysa.

Shacabka ayaa aaminsan inaan xukuumadu dhaadaneyn kor u kaca sarifka lacagta qalaad, iyo hoos u dhaca ku yimid shilinka Somaliland.

Comments are closed