Xildhibaan reer UK ah oo loo magacaabay madaxa machad ka shaqeeya aqoonsiga Somaliland

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay magaalada Hargeysa ka furay machad cusub oo loogu magac daray ‘Machadka Madaxbannaanida iyo Aqoonsiga Somaliland,’ kaas oo la sheegay inuu diiradda saarayo dardargelinta ololaha aqoonsiga Somaliland iyo kor u qaadista qaddiyaddiisa caalamiga ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in machadkan ay hoggaamin doonaan shakhsiyaad saaxiibo dhow la ah Somaliland, isagoo xusay in guddoomiyaha machadka loo magacaabay Xildhibaan Sir William Gavinson, oo ka yimid Boqortooyada Ingiriiska, waxaana la socon doona xubno kale, oo ay ku jiraan aqoonyahanno, siyaasiyiin, iyo taageerayaal caalami ah.

‘Machadka waxaa guddoomin doona saaxiibka Somaliland Sir William Gavinson, waxaa la socon doona saaxiibo badan oo Somaliland leedahay, in ka badan 2,000 oo saaxiibo Somaliland ah ayaa diyaar ah,’ ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Wuxuu sheegay in machadkani uu ururin doono taariikhda Somaliland, doodaha sharciga ah ee uu raadinayo aqoonsiga, iyo marxaladaha kala duwan ee halganka is-go’aan qaadashada. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale xusay in machadku si rasmi ah looga diiwaan geliyay Boqortooyada Ingiriiska, si uu uga shaqeeyo caalami ahaan.

Madaxweyne Cirro wuxuu tilmaamay in xubnaha machadku ay u badan yihiin macallimiin jaamacadeed, khubaro, xildhibaanno, iyo aqoonyahanno ku takhasusay cilmiga siyaasadda iyo sharciga caalamiga ah, kuwaas oo ka shaqayn doona sidii bulshada caalamka looga dhaadhicin lahaa arrinta Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in xubnaha machadku ay ka go’an tahay inay xaqiijiyaan yoolka Somaliland ee ah inay helaan aqoonsi caalami ah, iyadoo machadku uu u adeegayo xarun mideysa doodaha iyo dadaallada lagu raadinayo aqoonsi.

Dhankiisa, madaxa machadku wuxuu sheegay in Somaliland ay tusaale u tahay dimuqraadiyadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, isagoo ku tilmaamay ‘iftiin ka soo ifbaxaya qaaradda Afrika.’ Wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay had iyo jeer isku dayayso inay carqaladeyso horumarka Somaliland, laakiin wuxuu sheegay inay wax walba u qaban doonaan si Somaliland ay u guuleysato.

Ugu dambeyntii, wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka inay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland, isagoo sheegay in Israa’iil ay tahay tusaale mudan in la raaco oo ay tahay in lagu daydo waddadeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *