Hargeysa 18. July 2017 (SDN/QJ):- Cali Guray ‘’Anigu Mujaahid ma ihi, Muuse Biixi Mujaahid ma aha, Muuse biixi Waa Run inuu Mujaahid yahay Laakiin Meeye Ragii Kale ee Mujaahidiinta ahaa Saw kuwan Gidaarada fadhiya ee Cawlan,intuu Isagu kala balaadhay Intuu Qasriyo dhistay intuu adduunyo kala Wareejistay, eeg Mujaahidiintii Kale waa kuwaa gidaarada ku gaajoonaya’’.
Maanta Dalka waa loo simanyahay, kii soo dagaalamay & kii aan soo dagaalamin. Madaxweyne Daahir Rayaale muu soo dagaalamin waxaana uu noqday Madaxweyne la mahadiyay.
Somaliland ma joogto maalintii Dagaalka ee waa Maalintii Horumarka & Aqoonta ayay maraysaa….

