|

Xisbiga Kulmiye oo Maalintiisii 4aad ee Ololaha Doorashadda Wacdaro ka Dhigay Gobolada Somaliland

Hargaysa 31. October 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa Maanta Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ku soo bandhigay ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee qabsoomi doonta 13-ka bisha November ee sannadkan.

Ololaha xisbiga Kulmiye oo galay wareegiisii 4aad ayaa waxaa taageerayaasha dareenkooda la wadaagay hogaanka Xisbiga iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa jagada Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil gaar ahaan magaalo xeebeedka Berbera kala qaybgalay isu soo bax ka dhacay Fagaaraha 26-ka June ee Berbera kaas oo jamaahiirta Kulmiye ay ku muujiyeen sida uu xisbigu taageero uga haysto Gobolkaas.

Taageerayaasha oo ku lebisnaa astaamaha xisbiga Kulmiye iyo Murashixiintiisa ayaa Socod Lug iyo gaadiid ah ku soo maray shaaricyada kala duwan ee magaaladaasi,Waxayna aakhirkii isugu biyo shubteen Fagaaraha 26-ka June.

Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad dhinacyo badan leh u jeediyey Taageerayaasha xisbul xaakimka Kulmiye ayaa sharaxaad ka bixiyey barnaamij Siyaasadeedka uu Xisbigiisu ku doonayo inuu dalka ku hogaamiyo Waxaanu ka Codsaday Shacabka ku dhaqan Gobolka saaxil gaar ahaan Magaaladda Berbera in Maalinta doorashadda ay Codkooda u haneeyaan Xisbiga Kulmiye si ay u sii ambo qaadaan Horumarka dalka iyo ka Magaaladda Berbera oo ah Isha dhaqaale ee ugu weyn Somaliland.

Dhanka Kale Waxa uu Xisbiga Kulmiye isu soo baxyo uu ku dhoola tusanayo maanta ka dhigay Magaalooyinka Saylac,Boorama,Gebilay,Hargaysa, Balli Gubadle,Burco,Oodweyne,Caynaba,Ceerigaabo,Laascaanood iyo Degmooyin kale.

Faahfaahinta Warkan waxaan idiinku soo Gudbin doonaa Wararkayaga soo Socda.

Comments are closed