|

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Soo Bandhigay Xadgudubyo uga Yimid Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye,Iyo Xukuumadda & Talaabada ay Qaadayaan DAAWO

Hargeysa 16. July 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay Falal lidi ku ah Nabadgalyada oo uu Sheegay inuu ku talaabsaday Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed C.laahi Uur Cade oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay  in Madaxda Kulmiye ay Xoog ku qabsadeen Xaruntii uu Xisbigoodu ku lahaa Magaaladda Gebilay iyagoo adeegsanaya sida uu Yidhi  Ciidankii amaanka qaabilsanaa.

Waxaa kale oo uu Xoghayaha Guud ka Hadlay Tacadiyo loo gaystay Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani gaar ahaan Gobolka Togdheer oo uu hada ku sugan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed