|

Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Somaliland oo Murashixiinta 3-da Xisbi Ku Tilmaamay Kuwo aan Lahayn Qorshe ay Ku Horumarinayaan Tayada Waxbarashadda Isla Markaana aan ka Warqabin Heerka ay Waxbarashada dalku Marayso+ Saamaynta Xisbiga Kulmiya DAAWO

Saamayn Intee Leeg Ayaa Dhaliilaha Uu Agaasimahani Ka Simay Axsaabtu Ku Yeelanaysaa Qorsheyaasha   xisbiga talada Haya Ee KULMIYE uga Meel Yaala Horumarinta Iyo Tayada Waxbarashada oo Agaasimahani Hungo Madhan Ku Tilmaamay?

Hargeysa 16. July 2017 (SDN/QJ):- “Wasaaradda [waxbarashada] adigu laba sanno wax yar baa ka dhiman muddada aan joogo,labadaas sanno xafiiska anigoo jooga ayaa odayaal ii yimaadaan, qaarkood waxaa ay in yar iskaga qabtaan inay budhkay sitaan aniga igu bilaabaan”.

Sidaas waxaa ku tiraabay agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Yuusuf Axmed Cali Oo khudbad ka jeediyey kulanay jaamacadda hargeysi soo qabanqaabisay ooloogu magac daray ‘Tayada waxbarashada Somaliland oo meel liidata maraysa iyo qishka oo meel sare gaadhay xilliyada ays ocdaan imtixaannaadku’.

Kulankaas oo ay ka qayb galeen masuuliyiin uu kamid ahaa wasiirka dhaqanka iyo dalxiiskaSomaliland Khadar Xaaji Yuusuf iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socday laamaha waxbarashada ku taxalluqa.

Agaasimaha Waaxda tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md.Yuusuf Axmed Cali oo xubnihii madasha ka hadlayka mid ahaa ayaa sheegay in uu mar kasta oo uu xafiiskiisa ku sugan yahay wadnaha farta ku hayo “Nin baa subax ii yimid waxaa uu igu yidhi inankaygii shalay ayuu qalin jebiyey, aniguna inankaas waan aqaannaa oo jaamacad buu ka qalin jebiyey haddana sida wax loo qoro ma yaqaanno”. Sidaasi ayuu yidhi.

Agaasimuhu waxaa khudadiisa uu ku sheegay oo uu weliba dhaar ku maray in wasiir soo maray wasaaradda waxbarashada oo daacad ka ah tayada waxbarashadu aanu jirin “Waxaan anigu ku dhaaran karayaa kitaab haddii maanta la ii keeno in wasiir waxbarasho soo maray oo saacad keliya xafiiskiisa ku qaatay in uu waxbarashada Somaliland wax ka qabto aanu jiriin, haddii ay jirtana wax uun baynu arki lahayn, welina inta waxbarashadaloo yimi lama odhan waar heedhaha bal noo warrama oo mashaakilku maxay yihiin”. Sidaas ayuu ku dooday.

Geesta kale waxaa uu Agaasime Yuusuf ku andacooday  isla markaana uu si adag u duray   qorsheyaasha iyo barnaamijyada siyaasadeed ee axsaabta, isaga oo si aan gabasho lahayn ugu tiiqtiiqsaday heerka uu murashaxiinta axsaabtu ka taagan yihiin arrimaha bulshada, taas bedelkeeda waxaa isaga oo bulshada la hadlaya uu ugu baaqay in   shuruudaha ay ku xulanayaan musharaxa doorashada utaagan ay kamid noqoto adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oouu sheegay inaanay labada xisbi mucaarid iyo dabcan xisbiga hooyada u ah xukuumadda uu ka tirsan yahay agaasime ahaan ee KULMIYE aanay dhammaantood qorsheha ugu jirin arrintani

“Hal mid ayaa maanta innaga la innaga rabaa inaynu ku khasabno dadka aynu dooranayno, waayo ninku kursigaas wuu doonayaa laakiin wax alla wax qorshe ah oo uu   uhaystaa ma jirto, qorshe wax barasho ma hayo mid caafimaad ma hayo, talo uu hayaama jirto kursigaas baan doonayaa mooyaane”.

Ayuu agaasimaha Tacliintu ku dooday, waxanau intaa ku daray “Waxaynu doonaynaa inaynu [Murashaxa] ku nidhaahno waaryaahee wax aad waxbarashada ka qabanaysaa ha joogtee bal nooga warran heerka ay taagan tahay waxbarashada dalkeenu, intaas haddii la yidhaahdo wax alla wax uu ka sheegi karaa ma jirto”.

Ayuu yidhi Agaasimaha waaxda tacliinta sare eewasaaradda waxbarashada iyotacliinta sare ee JSL Md. Yuusuf Axmed Cali oo maalintii shalay khudbad  uu ka jeediyey shir hawleed ay jaamacadda Hargeysi soo qabanqaabisay oo lagaga hadlayay heerka waxbarashada tayadeedu taagantahay iyo sidii loogu hawl geli lahaa in la tayeeyo.

Khudbadan Agaasimaha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay toddobaadkii inna dhaafay ay soo gebogeboobeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe kuwaas oo ay masuuliyiinta wasaaradda uu katirsan yahay ee waxbarashada oo dabcan wasiir Habanne uu gadh wadeen ka yahay ay si adag ula dagaalameen ardayda imtixaanka u fadhiisanaysa inay qish sameeyaan taas bedelkeedana ay guntiga dhiisha ugu giijisteen sidii uu ardaygu kalsooni isugu qabi lahaa oo uu calafkiisa iyo dadaalkiisa ugu qanci lahaa.

Comments are closed