|

‘’Xisbiga Waddani Haddii uu Is Macaashsiiyo Madax-Wareer ayaa Ku Dhici Doona’’ Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Mudane Samaale

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland,  C/casiis Maxamed Samaale, ayaa ugu baaqay xildhibaan C/raxmaan Talyanle in uu ku adkaysto go’aankiisii uu markii hore ku aqbalay in Baashe Maxamed Faarax, uu kaga guulaystay xilka guddoomiyenimo ee Wakiillada.

Waxa kaloo uu  kula taliyay xildhibaan Talyanle, in guul-darada  uu aqbalo ay macnaheedu tahay in uu guulaystay, isla markaana haddii uu diido guul-daradda in aanu qofku geesi ahayn.

C/casiis Maxamed Samaale, waxa uu sidaas ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay magaaladda Berbera, isagoo ka mid ah wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo maalmahan socdaal ku maraya degaanno ka tirsan gobolka Saaxil.

“Tartanku-na wuu  hawl badan yahay,  waanu  qadhaadh yahay,  guul-daradda in aad aqbashaa guusha ayay ka mid tahay.   Haddii aad aqbali waydana  ma tihid geesi.    tartan  ayaa imanaya waa la kala badinayaa xaq iyo xaq-daraba  cida kaa badisa waa in aad u hambalyayso sidii uu xildhibaan Tayanle u hambalyeeyay  in uu ku daysto ayay ahayd,”ayuu yidhi Mr.Samaale

Geesta kale Cabdicasiis Samaale,  ayaa ka hadlay in xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu quudhsado xisbiga kale ee UCID oo ay ku tilmaamaan in laba xisbi oo qudha ay tartamayaan.Waxaannu sheegay in aan la yaraysan karin xisbiga UCID, isla markaana uu yahay xisbi qaran oo la tartamaya xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI. Isagoo kula taliyay xisbiga WADDANI in haddii aanu samaynin dedaal uu ku hananayo bulshadda si ay ugu codeeyaan in aanu guulaysan Karin.

Waxaanu  yidhi“Ma tartamayaan xisbiyadda  KULMIYE iyo WADDANI  oo keliya, ayaan la yaraysanin Faysal Cali Waraabe iyo   xisbiga UCID sidaas ayaan leeyahay. Waxa tartamaya  saddex xisbi qaran,  dadka ayaana  codaynaya  waa gef in aad tidhaahdo  laba xisbi ayaa tartamaya,   mararka qaar koodna meel aanad filan ayay guushu  ka timaadaa”.

Sidoo kale C/casiis Samaale, ayaa tilmaamay in xisbiga WADDANI uu waxyaabo been ah isku maaweeliyo, isla markaana  aanu talada ku darsan in laga guulaysto taasi oo keeni karta in madax-wareer ku dhaco  haddii uu guul-daraysto; “Waxaanan   leeyahay tartanka lama yaraysto,  haddii aad yaraysato waxa dhici karta in wax aanad filayni kaaga soo baxaan. Waana  in aad ku tallo-gashaa in tartan adag aad  gasho oo codka si adag u raadiso oo cid walba codka ka raadiso oo Geed walba aad hoos fadhiisato.  Sidaas  ayuu KULMIYE codka ku doonayaa. KULMIYE  xisbi mucaarid ah oo adag ayuu ahaa,   WADDANI oo cusub oo muddo kooban jiray  haddii uu isa sii macaashsiiyo dadka qaarkood been u sheegaan,  madax-wareer ayaa ku dhici doona.   Annagu  caytami mayno qofka caytamaana isaga ayaa dadka iska eryaya,”ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Comments are closed