Hargaysa 07.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa markii ugu horreysay jawaab ka bixiyey go’aanka Madaxweynaha Somaliland ku diiday, isla markaana markii labaad dib ugu celiyey xalay Xubintii Xisbigaasi u soo xulay inay uga mid noqoto Guddiga cusub ee Doorashooyinka oo magacyada lixda xubnood ee kale uu xalay Shaaciyey Madaxweyne Siilaanyo.
Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ah Xubinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI u soo xulay inuu uga mid noqdo toddobada xubnood ee cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka, ayaa Madaxweynuhu mar labaad dib ugu celiyey Xisbigaas, waxaanu ku sababeeyey diidmadiisa inaanay soo xulista xubintaasi waafaqsanayn shuruucda iyo hannaanka magacaabista Xubnaha Komishanka Doorashada ka mid noqonaya, isla markaana uu yahay xubin si buuxda uga tirsan Xisbiga WADDANI, sidaa darteedna ay soo magacaabin xubin kale oo uu buuxisa shuruudaha looga baahan yahay.
Hase-yeeshee, Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo sidoo kale ah Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaaa mar uu maanta Warbahainta kula hadlayey Magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday in Dr. Maxamed Cismaan Fadal yahay Muwaaddin buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa, isla markaana yahay Nin Aqoon yahan ah oo ku habboon inuu ka mid noqdo Guddiga doorashooyinka, yahayna qof fududayn kara wax badan oo looga baahan yahay aqoon ahaan inay lahaadaan Xubnaha Guddiga doorashooyinka oo hawl Qaran oo culusi fuulayso.
Waxa uu Xildhibaan Buubaa go’aanka Madaxweynuhu markii labaad dib ugu celiyey Xubinta WADDANI soo xulay ku tilmaamay go’aan sharci-darro ah iyo in Madaxweynuhu u diiddan yahay Dr. Fadal aqoonta, kartida iyo Hufnaanta uu leeyahay iyo weliba hal-adaygnimadiisa, balse waxa uu xusay inay Xisbi ahaan Sharciyadda mar kale u eegi doonaan Xubintan, Xisbi ahaanna ka wada-tashan doonaan inay mar saddexaad dib u magacaabaan Dr. Fadal iyo inay Xubin kale oo cusub magacaabaan.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
