|

Xog Cusub: Somaliland oo Sheegtay In Aqoonsi ay Ka Hesho UK uu Suurto Galyahay Ka bixista EU-da Kadib

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in qorshaha Ingiriisku kaga baxay  EU-da uu yahay mid waxtar  u yeelan kara aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland ka  hesho UK. Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Wasiirka Arrimaha dibadda Sacad Cali Shire.

 

Dr.-Sacad-Cali-Shire-1Wargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa  warbixin dheer kaga hadlay aqoonsiga Somaliland iyo heshiiska marsadda Berbera ee ay wada galeen Somaliland  iyo shirkadda DP World.  Warkan  oo aanu soo turjunay  waxa uu u qornaa sidan:- “Dawladda Somaliland ayaa aaminsan in ka bixitaanka Ingiriisku kaga baxayo xubinimadii  midowga yurub uu  UK  u madax banaynayo  inay aqoonsadaan   dalkan ku yaalla Geeska Afrika ee  ictiraafka raadinayay muddo 25 sannadood ah,” ayaa lagu sheegay warbixinta wargeyska The guardian ka qoray Somaliland.

 

“Waxaan  filayaa in ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub uu dawladda  Britian,   u sahlayo inay  ku go’aan qaadato  aragtideeda,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

 

“Dalalka xubnaha ka ah EU-da, waxa ku waajiba inay meel mariyaan siyaasadda ay dhigteen Midowga Yurub. Taasina Ingiriiska fursad umay siinaynin inay aragtideeda  ku socoto, laakiin marka ay ka baxaan  EU-da waxay qaadi kartaa tallaabo kasta oo ay doonaan. Waxaan qabaa inay arrintani annaga (Somaliland) aad noogu wanaagsan tahay, waxay awoodayaan inay furfurnaansho u helaan  siyaasadooda arrimaha dibadda,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

 

Wasiirka khaarajiga waxa hadalkiisu ku soo beegmay  iyadoo  mid ka mid ah shirkadaha dekadaha ka shaqeeya ee adduunka ugu weyni ay shaacisay inay heshiis soddon sannadood ah oo ku wajahan  casriyaynta marsadda Berbera  la gashay Somaliland  oo hore u ahaan jirtay maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray.

 

Heshiiskan DP World iyo Somaliland oo ay ku baxayso dhaqaale lagu qadaray $442 milyan, ayaa ah maalgashigii ugu balaadhnaa ee marsadaas lagu horumarinayo.

 

Itoobiya oo ah dal aan xeeb lahayn kana mid ah dalalka dhaqaalahoodu xawaaraha u korayo, ayaa  la jaar ah Somaliland, waxaana lagu wadaa in Itoobiya ka faa’iidaysato dekadda Berbera oo loo hagaajinayo mid heer mandaqadeed ah.

 

Dawladda Somaliland waxay u aragtaa mashruuca horumarinta dekadda Berbera inuu yahay mid ahmiyad u leh dhaqaalaheeda.

 

Wakhti xaadirkan marsadda Berbera waxay awoodaa inay u adeegto oo ay dejiso  (60,000 ) oo kontiinar, waxa qorshaha heshiiskani yahay  inay dejin karto sannadkiiba 1.2 milyan oo kontiinar isla markaana ay  kasbato maraakiib badan oo ku socda Barriga Afrika.

 

“Aasaaska dhaqaalahayagu waxa uu ku xidhan yahay xoolaha nool, nasiib darro xaaladuhu way is bedalayaan oo roobkiina wuu yaraaday. Ma garanayno xilliga uu da’ayo waxa kale oo aanu si joogto ah u wajahnaa abaaro, sannadkiiba mar ama labadii sannadoodba mar  ka dhacda dalka,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaas ku kabay  “Waxaanu caawinaa dadka abaaruhu tabaaleeyeen, abaarahani waxay yaraynayaan awoodayadii dhaqaale ee aanu ku taakulayn lahayn qaxoontiga dalkayaga ku sugan ee ka soo qaxay Yemen. Sidaas awgeed waxaanu u baahan nahay mucaawimo deg-deg ah oo aanu wax kaga qabano abaaraha iyo qaxoontiga.”

 

Geesta kalena, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska, ayaa laga soo xigtay isagoo leh “Waxay u taallaa Somaliland iyo Soomaaliya inay go’aansadaan  mustaqbalkooda. Dalalka gobolka ee jaarka la ah ayay  tahay inay ugu horeeyaan  wixii aqoonsiga la xidhiidha.

Comments are closed