|

Xilka Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde Oo Dad Badani Ku Sifeeyeen Mid aan Gaadhsiisnayn Heerkii Balanqaad ee Gudoomiye Cirro & Awoodaha Hogaamiye Xirsi Xeerku u Jideeyay

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Qaar ka mid ah qodobada ugu waa weyn ee sharciyada Xeerka hogaanka sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, isla markaana waxay  qodobadan ay cadaynayaan waaji baadka masuul ee wakhti xaadirkan kala yihiin & Nooca Xil ee Xisbiga Waddani ay ka hayaan Gudoomiyaha Ku Meel gaadhka ah Mudane C.qaadir X.Ismaaciil Jirde iyo Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali X.Xasan Kuwaas oo lagu ansixiyey Shirkii Shalay ee Gunaanadka u ahaa Shirweynihii 1aad ee Xisbigaas oo Mudo Sadex Cisho ah ka socdday Magaalada hargaysa.

 

Xildhibaan C.qaadir JirdeXubnihii shirka Golaha dhexe ee xisbiga Waddani, ayaa ayaa cod gacan taag ah ku doortay innuu noqdo hoggaamiyaha  xisbiga Waddani Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan, halka Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, isna loo doortay Guddoomiye ku meel-gaadh ah.

 

tmp_10839-jirde-and-ciro158867271Hase yeeshee qodobadan xeerka xisbiga Waddani, ayaa si cad wakhti xaadirkan u cadaynaaya innaanuu aheyn Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Rasmiga ah ee wakhti xaadirkan Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ee uu yahay Guddoomiyaha xisbiga Waddani C.raxmaan Cirro.

Qodoban ayaa u dhignaa sidan:- “Qodobka 35-aad Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah:

1.Guddoomiyaha ku meel- gaadhka ahi waa xubin ka tirsan hogaanka xisbiga.

 

2.Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah waxa lagu ansixinayaa shirka Golaha dhexe ee lagu doorto murasha Madaxweynaha.

 

  1. Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ahi waxa uu la wareegi doonaa xilka Guddoomiyaha xisbiga marka murashaxa xisbiga la doorto ee doorashada madaxtooyada loo dhaariyo xilka Madaxweynaha 45 cesh, ka dib.

 

Qodobka 36-aad Hogaamiye:-

 

Hogaamiyuhu waa xubin ka tirsan xubnaha hogaanka xisbiga.

 

Hogaamiyuhu waxa uu Guddoomiyaa shirka qiimeynta hogaanka xisbiga oo sannadkii laba jeer la qaban-doono oo ku began bilaha juun iyo diisamber.

 

Wuxuu diyaarinayaa barnaamijka kobcinta xisbiga iyo dhaqaale ururinta hawlaha xisbiga. Hogaamiyaha waxa hoos imanaaya xafiiska guud ee ololaha doorashooyinka xisbiga oo dhan.”

 

Inkastoo xubnihii shirka Golaha dhexe ee xisbiga waddani u dhigeen qaab  u dhacaaya micnihiisu innuu Guddoomiyaha rasmiga ah uu yahay Xildhibaan Xabdiqaadir Jirde, balse qodobka 35-aad ee Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa ka duwan sida shacabku u fahmeen oo ah in Guddoomiyaha rasmiga ah loo doortay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, laakiin qodobka ayaa sheegaaya innaanu aheyn ee Immika uu yahay Cirri. Halka nambarka koobaadna uu tilmaamayo in goorta uu ansax noqon doonaa ay tahay shirka Golaha dhexe ee lagu dooran doono Madaxweynaha dambe ee u tartamaaya xisbiga Waddani.

Comments are closed