|

Xog Waran Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa Qoraa Jaamac Muuse Jaamac

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-  Jaamac Muuse Jaamac Waxa uu ka Mid yahay Qorayaasha Reer Somaliland ee doorka Muuqda ka Ciyaara Sidii Da’yarta loogu Guubaabin lahaa Akhriska iyo Qoraalka,Waxaa kale oo uu si weyn uga qayb qaataa dhiirigelinta Wax akhriska Taas oo Sababtay inuu Si Joogto ah Magaalada Hargaysa isaga Iyo Shakhsiyaad kale ay ugu qabtaan Bandhiga Carwada Wax akhriska Taas oo la Keeno Buugaag badan oo Manfac u leh Bulshada.

qoraa-jaamac-muuse-jaamacJaamac Muuse Jaamac ayaa Markii Kowaad Waxa uu si Faahfaahsan uga hadlay Sooyaalkiisii Nololeed, Marxaladihii uu soo maray iyo arrimo kale duwan oo uu ku Muujiyey Waxyaabihii uu Bulshada dhexdeeda ka soo qabtay.

Jaamac Muuse Waa Mid ka Mid ah Shakhsiyaadka loo soo Xushay inay ka Mid yihiin Haldoorka Saamaynta ku dhex leh Bulshadiisa Isagoo arrimahan iyo Kuwo kaleba kaga Warbixiyey Waraysi Dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

 

Ugu Horayn Jaamac Muuse Jaamac Wuxuu ka hadlay Xiligii uu dhashay iyo Goobtii uu ku dhashay Isagoo Yidhi ‘’Waxaan Ku dhashay Magaaladan Hargaysa Sannadkii 1967kii,Isla hargaysa Ayaan ka galay Malcaamad qur’aankii ilaa Dugsigii Sarre oo aan ka baxay Dugsiga Faarax Oomaar Kadib Waxbarashadii Jaamacadeed Waxaan u tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalkii berigaas la isku odhan Jiray Somalia Waxaan galay Kuliyada lagu Barto Soo saarista Macdanaha Hasa yeeshee Markii aan Sannad ku Jiray Ayaa la furay Kuliyad Cusub oo Sayniska iyo Xisaabta lagu baran Jiray taas Ayaan u bedeshay, Markii aan Gabo gabo Ku dhowaa Waxaan helay Fursad Waxbarasho oo aan ku tegay Dalka Talyaaniga iyadoo ay Taageero fiican ii fidiyeen Macallimiintii Wax I baray sidaas Ayaan ku galay Jaamacada Bias ee Talyaaniga Kuna Takhasusay Kuliyada Sayniska Gaar ahaan Qaybta Xisaabaadka,Waan sii watay Geedigayga Aqoon Kasbasho Waxaan Shahaadada PHD ku sameeyay Qaybta Tiknoolajiga oo Xisaabta uun ku salaysan’’

Jaamac Muuse Waxaa kale oo uu ka hadlay Shaqooyinkii uu soo qabtay Waxaanu Yidhi ‘’Markaan Kaftamayo Waxaan idhaa Shaqooyinka Waan la dhashay waayo anigoo yar Ayaan shaqaynayay Waxaana taas keenaysay Marka aanay Jirin Wax kale oo ku Kaaba,Waxaa ilaahay mahadii ah Ilaa maanta oo aynu Joogno Waxa aan ka shaqaynayo ayuunbuu Quudkayguna ka soo baxaa,Laakiin intii ugu badnayd Macalin Ayaan ahaa Sidoo kale Cilmi baadhe Ayaan Jaamacada ka ahaa Markii danbena Arrimaha aan Somaliland ka hayo ee Dhaqanka ayay Shaqadaydu soo Gashay’’

Qoraa Jaamac Muuse Jaamac Wuxuu iftiimiyey Waxyaabaha uu Mudnaanta siiyay isagoo Yidhi ‘’Waxaa I galay Sidii loo soo noolayn lahaa Dhaqanka afka Somaliga iyo Sidii loo heli lahaa Buugaag ku qoran Soomaali oo Tiradoodu ka badnaan Laba Boqol oo Buug Ayaan soo helay Kuwaas oo Weliba Suuqa ka baxay waxaan markaas I dareensiiyay inay halkaas baahi badani halkaas ka muuqato waxaan Markaas Daabacay Buugii ugu Horeeyay ee aan qoray,Xiligaas aan Buugaagta Bilaabayay Waxaan Ururkan ka Diiwangelinay Dalka Talyaaniga oo aan deganaa Ururkaas Waxay dadku u Yaqaanaan Red Sea Cultural Foundition,Shaqooyinka uu qabanayo ee dadkuna yaqaanaan waxaa ka mid ahaa Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargaysa iyo Qaybta iminka Dalka degen ee Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa Waxaan Ururkaas dalka Talyaaniga ka Diiwaangelinay Siduu Sharciga Dalkaasi dhigayo 1998kii Laakiin Shaqadii rasmiga ahayd ee Halkan (Somaliland)  ee ugu Horaysay Waxay Bilaabantay 2008-dii’’ .

Jaamac Muuse  Jaamac Waxa uu Haatan madax ka yahay Xarunta Dhaqanka ee Magaalada hargaysa Wuxuu ka hadlay Waxyaabaha ay Xaruntani Qabato Isagoo Yidhi ‘’Waxa ugu weyn ee xaruntani qabato waxay tahay inay dhallinyaradu hesho meel ay dhaqankeedii ku aragto,Meel ay dhaqankoodii ku bartaan,Meel ay dhaqankoodii ku tijaabiyaan,Tusaale ahaan Waxaa habeen danbe dhici doona Xaflad qiimo badan oo lagaga hadlo Suugaantii Hadraawi,Hada garo’oo Hadraawi nalama joogo ee burco ayuu ku Sugan yahay Laakiin Dhallinyaro ayaa inta ay isugu yimaadaan ka hadlaysa ka doodaysa Sida ay u fahmaan ka doodaya Maalin kasta oo Khamiis ah Waxaan Caruurta yaryar ee Sadex Jir ilaa 12 Jir in loo akhriyo Sheekooyin dhaqan oo Qof weyni u Yimaado si ay Yaraan akhriska ugu bilaabaan,Markaas Shaqooyinka badan ee aanu hayno waxay la xidhiidhaa Sidii loo badbaadin lahaa Dhaqanka iyo Hidaha ay ummadani leedahay, Markaas Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa,Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargaysa iyo Barnaamijka kale ee London aanu ku qabano ee Todobaadka dhaqanka iyo fanka oo Maalin dhow bilaabmi doona intuba waxay Salka ku hayaan Ummadani waxbay lahayde Waxeedii Meel ha loo dhigo oo haloo Xafido’’

Qoraagu Wuxuu intaas ku daray ‘’Waxaan u Mahadnaqayaa Qaybaha Kale ee Bulshada oo Xaruntan ka dhigay Mid ay Garab Taagan yihiin oo Wixii Tabaruc ah ka gaysta Isla markaana dhiirigelin Shidaal noo noqotay nagu dhalisay’’

Comments are closed