|

Xoghayaha Guud ee KULMIYE oo Shahaado Sharaf Lagu Siiyey in uu Noqday Mas’uulkii ugu Sarreeyey ugu na Horreeyey ee Xisbigaas ah oo Booqasho Ku Taga Dalka Sweden iyo Wadamada Scandinavian ka

Hargaysa 28. May 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE Md.Xasan Siciid, ayaa shahaado sharaf uu ku muteystay in uu noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka socda madaxda KULMIYE ee abid gaadha wadamada Scandinavian ka lagu guddoonsiiyey dalka Sweden.

Shahaado sharaftan oo sida ka muuqata lagu soo qoray qoraal kooban oo u dhignaa “Garabka dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee dalka Sweden, waxa ay shahaado sharaf guddoonsiinayaan Md.Xasan Siciid, taas oo uu ku muteystay maadaama uu yahay mas’uulkii ugu sarreeyey ugu na horreeyey Xisbiga KULMIYE ee yimaada Sweden iyo wadamada Scandinavian ka.”. Waxaana qoraalkani uu muujinayaa sida siyaasadda Xisbiga KULMIYE aanay u gaadhsiisneyn wadamada dibadda halka marka la bar bar dhigo xisbiyada dhiggiisa ah ee ay tartamayaan KULMIYE ay yihiin kuwo saaxiibo badan ku leh wadamadaasi isla mar ahaantaana inta badan la arko iyada oo madaxdoodu ay safaro iyo socdaalo ugu kicitimayaan dalalkaasi sida oo kale na ay kulamo kula soo yeelanayaan jaaliyadda Somaliland ee wadamadaasi iyo weli ba madaxda dalalkaasi iyaga oo kala hadlaaya qadiyadda Somaliland.

Comments are closed