|

Xoghayaha ugu Cimriga dheer Golaha Deegaanka Gebilay,Inta Sannadood ee uu Xilka hayay Iyo Amuuro lagu Sifeeyay

Gebilay 28.June 2016 (SDN/QJ):- Warbixin lagu daabacay qaar kamid ah degellada wararka Somaliland ayaa naqdiday hawl-qabadka Xog-haya ha dawladda hoose ee degmada Gabiley  Cabdiraxmaan Nuur Abokor oo lagu eedeeyey in uu doorar kala duwan ka sooqaatay khilaafaad marar kala duwan ka dhex aloosmay golaha deegaanka ee dagmada Gabiley,.

Xoghayaha Golaha Deegaanka GebilayWarbixintan ayaa farta ku fiiqday  saamaynta uu xoghayaha dawladda hoose ee gabiley ku leeyahay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee gobolkaas iyo dhaliillaha ra’yul caamka bulshadu u  soo jeediyey golaha deegaanka.

Warbixintan ayaa sidoo kale soo bandhigtay geedi socodka siyaasadeed, dhaqan-dhaqaalle iyo cabashooyinka iska soo daba noqda ee musuqmaasuqu dhaliyo.

Warbixintu waxaa ay calaamatul su’aal saartay weydiimo ay shacbiga gobolkaasi ka qabaan xoghayahan kuwaas oo ku xidhiidhinaya inuu qayb ku yesho kalafogaynta xukuumadda Somaliland iyo dareenka shacbiga reer Gabiley, isla markaana caqabad ku yahay qorsheyaasha waxqabad ee maayarka hadda xilka golahaasi haya Mr. Maxamed Amiin Cumar Maxamed uga meel yaalla in uubulshadiisa u hirgeliyo.

Warbixintaas oo aanu qayb kamid ah halkan idiinku soo gudbinay waxaa ay u dhigan tahay “Xoghayaha  fulinta ee dawladda hoose ee Gabiley oo sharci ahaan xukuumadda dhexe ee Somaliland uga wakiil ah golaha deegaanka ee Gabiley waa masuulkii ugu cimriga dheeraa ee soo mara xilka hadda uu hayo ee dawladda hoose ee Gabiley, isaga oo la soo shaqeeyey shan maayar oo soo maray magaallada Gabiley. Muddadii uu xilka hayay xoghaye Cabdiraxmaan Abokor, waxaa uu ku sifoobay madmadow soo noqnoqday oo inta badan dhaliyey musuq lagu eedeeyey golaha deegaanka iyo kala qaybin kacdoon dhaliyey oo iska hor keenay hawl wadeennada dawladda hoose ee Gabiley.   Waxaa uu xilkan hayay xoghaye Abokor muddo ku siman lix sanno isaga oo la soo shaqeeyey Maayarrada ay magacyadoodu kala ahaayeen:

  1. Aadan Muxumed Bade.
  2. Khadra Xaaji Gaydh.
  3. Axmed Samir.
  4. Shucayb Maxamed Muuse
  5. iyo Maayarka Xiligan xilka haya Maxamed Aamiin Cumar.

Haddaba marka dhamaan aynu dib umilicsano maayaradii  Cabdiraxmaan Nuur lasoo shaqeeyay mid walba  wuxu saami qaybsiga beelaha degmada gabiley ahaa mid sidii loogu talo galay u yaal marka laga reebo mudadii koobayn ee Axmed Samir Xilka hayay oo iyadu ahayd xili  kala guur ah, Sidoo kale xoghayaha dawlada hoose ee gabiley  ayaa door culus ka qaata khilaafyada soo noqnoqda ee ragaadiyay golaha deeganka Gabiley balse sida cabdiraxmaan nuur ku dooda wuxu xilka xoghayaha ku joogaa Baawarka Xubno ka Agdhaw Amaba Agaasimaha Wasaarada Madaxtooyada waasida uu hadalka u dhigaye.

Comments are closed