|

Xogo Laga Helay Sababta Uu Wasiir Cali Mareexaan Wakhtigan Ugu Soo Beegay Inuu Warbaahinta Ka Sheego Lacag Dayn Ah Oo Uu Kala Wareegay Ex-Wasiir Xirsi

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):-Kadib muusenawgii Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryayntu Cali Mareexaan kula Kufay Doraad Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilanayo oo ay wafti kuwada socdaan Gobolka Sanaag,Waxa isasoo taraya warar hoose oo shaaca ka qaaday in Wasiir Cali Mareexaan mudooyinkii u dambeeyay ku jiray Xaalad adag oo siyaasadeed oo dhawr jiho ka soo dabqaadanaysay,Waxaana la sheegay in arimaha ugu culus ee uu maarayn kari la’aa ay ahayd Dhaliilo badan oo uga imanayay tamar daro la sheegay inuu siyaasad ahaa la dhigi kari waayay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay isku jufo ka soo wada jeedaan.
hhhhTibaaxo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka fayday in Bilihii u dambeeyay ay Madaxtooyadu Culays badan saartay Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan),kadib markii ay Madaxtooyaddu saluugtay hanaankiisa siyaasadeed ee uu ku waajahayo Wasiirkii awooda badnaa ee Wasaaradda Madaxtooyadda haysan jiray Xirsi Cali Xaaji Xasan,kaasi oo Mansab sare ka helay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,islamarkaana waysada u biyaystay dagaal ka dhan ah Nidaamka maamul ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Cali Mareexaan ayay Madaxtooyaddu markii hore u aragtay inuu yahay nin siyaasad ahaan u babac dhigi kara Xirsi Cali Xaaji Xasan balse bilo kooban gudahood ayaa la ogaaday in lagaga awood badan yahay dhinaca beesha ay ka soo wada jeedaan iyo deegaankaba.
Warar Madax bannaan oo Wargeyska Foore ka helay Madaxtooyadda Somaliland ayaa iftiimiyay dagaal Qabaw oo u dhexeeya Wasiir Cali Mareexaan Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xashi Cabdi, kadib sida la sheegay markii uu Maxamuud Xaashi canaan kula dul dhacay Wasiir Cali Mareexaan islamarkaana uu si toos ah ugu sheegay inuu hore been ku haasaawiyay, oo aanu u babac dhigi karin Ex Wasiir Xirsi,iyadoo arintaasi si weyn Madaxtooyadda Looga dareemay,islamarkaana uu Cali mareexaan cadho kaga baxay Xafiiska Maxamuud Xaashi oo ay markaa kuwada hadleen. Intii maalintaasi ka dambaysay,Labadan masuul waa ay kala xidhiidh furteen,waxaanu midba midka kale illaa iyo hadda ku wadaa Dagaal hoose oo uu kaga tuurayo kursiga. Maxamuud Xaashi ayaa la sheegay inuu dhawaan Madaxweynaha u soo jeediyay inuu Cali Mareexaan ku badelo siyaasi Xirsi u babac dhigi kara,taasi oo markii uu maqlay Cali Mareexaan isna tu taasi la mid ah ku kacay.
Cali Mareexaan ayaa Doraad ku muusanaabay Madaxweynaha,wakhti ay ku sugnaayeen Jidka Ceerigaabo,Baroorna kula dul dhacay Madaxweynaha,Isagoo ku Cawday in dhinaca Saxaafada lagaga fiican yahay,isagoo intaa raaciyay Lacag dayn ah oo uu sheegay inay 5 milyan oo Dollar dhamayd oo uu xirsi kala wareegay. Waxa Cali Mareexaan hadalkiisa ka muuqatay inuu iska dul qaadayay Culays badan oo saarnaa dhinaca Madaxtooyada iyo Canaan isdaba joog ah oo uu dabada ka riixayo Maxamuud Xaasi.

Comments are closed