|

Jiido badan oo ka Tirsan Degmada Sallaxley oo ay Galabta ka da’een Raxmaadka Eebbe oo Dad & Duunyaba lagu diirsaday

Hargaysa 26.November 2016 (SDN/QJ):- Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan degmada Sallaxley. Sida; Balli-ciise, Dogob-cadka, Baha dhamal, Kaam-tuug, Ina-Guuxaa iyo gudaha magaalada Sallaxley.

Dadka deegaanka oo aan qaar kamid ah la hadlay ayaa waxa ay ii sheegeen in sidoo kale Raxmaadka Eebbe ay ka da’een deegaanada Bisad iyo Kaam-Abokor oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Sidoo kale, waxa raxmaadka eebbe laga soo sheegayaa inay ka da’een deegaano kale oo ka tirsan degmada Xarshin ee isla dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia.

Comments are closed