Uncategorized

Xukuumada Jabuuti oo maanta qabaneysa doorasho aaney cidi isu diiwaan gelin

Jabuuti Jan 20,2012(qurbejoog.com)-Xukuumada Jabuuti ayaa bilihii u danbeeyay waday dedal ay ku diiwaan gelineyso shacabka doonaya in ay ka qeybgalaan doorashooyinka gollaha degaanka ee Jabuuti.

Shacabka Jabuuti ayaase dhabarka u jeediyay dalabka xukuumada ka dib kolkii ay soo baxday in doorasho walba oo Jabuuti ka dhacda in xukuumadu natiijadeeda hore u goaamisay.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa noqday mashruuc fashilmay ka dib kolkii dhinacyada siyaasada dalku u arkeen socon weynaye aanu orodno.

Maanta ayaa lagu waday in dalka oo idil looga dareero doorashooyinka golleyaasha degaanka dalka,balse waxaan jirin cid la taaban karo oo isu diiwaangelisay doorashada.

Xukuumada ayaa lagu wadaa in ay shaqaalaheeda iyo tageereyaasheeda in ay dhoobto goobaha codbixinta ka dibna sidii cadada u aheyd ay shaaciso goaamo hore loo gaadhay.

Halkan kala soco sida maanta xaal noqdo saacadaha soo socda hadii eebaha weyni raali ka noqdo.

 

Qurbejoog-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com