|

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Digtay U Debbaal-degga Sannadka Cusub Ee Miilaadiga

Hargeysa,31Dec,2015(QJ/SDN)-Xukuumada somaliland ayaa si adag uga digtay xafladaha iyo debbaal-degyada loo sameeyo curashada sanadka cusub ee miilaadiga.

Agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa ka hadlay xafladaha la sameeyo iyo debbaal-degyada sanadka cusub ee miilaadiga isaga oo sheegay inay ka hor imanayaan diinta suuban ee islaamka ‘’ Bismillaahi raxmaani raxiim, kollay sannadkii cusbaa ILLAAHAY baynu weydiisanaynaa khayrkiisa inuu inna siiyo waxaana rajaynayaa inaynu ilaalinno dhamaanteen, maadaama sannadki ahayn sannadkeenii asliga ahaa oo uu yahay sannadkii miilaadiga inaynaan soo qaadan akhlaaqiyaadka qarbiga ah, inaan sannadka sagootintiisa ku ilaalinno akhlaaqdeena islaamiga ah, oo dhalinyartu ilaaliyaan, hotellada iyo ganacsatada laftigooduna ilaaliyaan, qolo weliba wixii shareecada islaamku ay ku jirto ay innoo bannaysay inaynu dhowrno oo ilaalinno, ee akhlaaqdeena aan dilaynin,. ’’Ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo Awqaaftu Sheekh Saleebaan Siciid Cali

Agaasimuhu waxa uu si gaar ah uga hadlay magaalada Berbera ee xeebta, isagoona sheegay in aanay dhallinyaradu wada dabbaalan si aanay ugu qar-qoomin badda ‘’Gobolka saaxil iyo dhulaha badda leh ee loo dalxiiso in la wada ilaaliyo dhallinyarada imaanaysa safetygooda la dhowro oo macsiyadana laga ilaaliyo sida markaa iyagoo wada dabbaalanaya oo aanay wada dabbaalan oo la kala ilaaliyo oo badda aanay ku qarqamin,..’’ ayuu yidhi Mudane Sheekh Saleebaan Siciid

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Agaasimaha;

 

Somalidiasporanews.Com

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed