|

Madaxweynaha JSL Mudane Siilaanyo oo Shacabka Somaliland Ku Hambalyeeyay Curashada Caawa ee Sannadka Cusub 2016-ka

Hargaysa 31. Decembar 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee 2016-ka u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba. Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed, Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo iyo Salaanba u dirayaa dhammaanba Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba.

 

Axmed-Siilaanyo1Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLAH uga baryayaa inay Sannadka 2016-ka kiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Shucuubta Bulshada Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2016-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni.

Comments are closed