|

Xukuumadda Somaliland oo Laba Nin oo Sudan u dhashay u Gacan galisay Dalka Itoobiya

Hargaysa 08.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa waxay u gacan galisay dowladda dalka Itoobiya laba nin oo u dhashay dalka Suudaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaana  u gacan galisay labadan nin dowladda Itoobiya taariikhdu markay ahayd 7August ee sanadkan – sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta Xuquuqul Insaanka ee magaalada Hargeysa.

Calanka ItoobiyaMa jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Somaliland oo arrintan ku saabsan, balse waa markii ugu horeysay ee dowladda Somaliland ay dowladda Ethiopia u gacan galiso muwaadiniin u dhashay dalka Suudaan – wallow ay horay u jireen muwaadiniin reer Somaliland ah oo dowladdaasi loo gacan galiyay.

Dhanka kale, arrintani ayaa saamayn ku yeelan karta xidhiidhka u dhexeeya dowladdaha Somaliland iyo Suudaan – iyadoo weli aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay, marka laga soo tago qoraalka kasoo baxay xarunta Xuquuqul Insaanka magaalada Hargeysa.

Ugu danbeyntii, Labadan nin ee u dhashay wadanka Suudaan ayaan illaa hadda la ogayn sababta keentay in loo gacan galiyo dalka Ethiopia iyo weliba shaqada ay dalka ka hayeen.

Comments are closed