|

Maaxweynaha Galmudug oo dalka dib ugu soo noqday

Muqdisho Aug 08,2016(SDN/QJ)-Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dalka dib uGu soo noqday ka dib safar caafimaad oo uu dalka India ku tegay.

Madaxweynaha oo Muqdisho ka soo degay ayaa waxa dalka ku soo dhaweeyay Raiisul wasaaraha dawlada Federaalka Md Cumar C/rashiid Cali.

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweyna ka mahadceliyay Ayaan tafaasiil ka bixin xaaladiisa caafimaad balse sheegay in haatan uu ladan yahay.

Madaxweyne C/kariin ayaa qaliin dhanka wadnaha ah ku soo galay dalka India, isaga oo xaalidiisu haatan ay hagaagsan tahay, sida uu sheegay.

 

SDN/QJ-Muqdisho

 

Comments are closed