|

Xulashada Madaxweyne Siilaanyo ee Qofkii Badali Laha Taliyihi Ciidanka Bada Ee La eryay oo Loolan Culus kala dhex dhigtay Beeshii uu ka Soo Jeeday.

Hargeysa, 6 May, 2016-(SDN/QJ):–  Madaxweyne Siilaanyo ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay qorsheynaysay sidii Mansabyada Xilalka Qaranka ee Golaha Wasiirada Wasiir Sadexaad oo kasoo jeeda Ardaaga Cali Khaliif Galeydh loogu soo kordhin lahaa Beelaha (Dhulbahante), ee ku abtirsada Gobolada Sool iyo Buuhoodle Islamarkaana, loo buuxin lahaa jagadii Xilkii Taliyihii Ciidamada Badda ee dhawaan xilka laga qaadey.

XIIRANEWarar xogogaal ah oo ka ag dhaw Qasriga Madaxtooyada ayaa, Sheegaya in ay ka go,an tahey Xukuumada sidii saamiga mansabyada Siyaasiga ah loogu kordhin lahaa Beesha Dhulbahante ee Gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle gaar ahaana Beesha uu kasoo jeedo Cali Khaliif Galeydh wallow aaney si dhab ah Warbaahintu u bawsan Ninka la miisaanka ah Siyaasiga Cali Khaliif ee loo wado Xilkaasi, iyadoo geesta kalena ay wararka ka ag dhaw Madaxtooyadu daboolka ka qaadeen in daaqada laga saarayo Wasiiru Dawllaha Gobolada Bari Cabdirashiid Xuseen Cabdala oo isagu salaanka Xukuumada kusoo fuuley Xigto dhaw oo uu la ahaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan haseyeeshee, aan miisaan siyaasadeed ku dhex laheyn Beesha Dhulbahante guud ahaan marka laga reebo Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo Xirsi ku balamiyay waxa la filayaa in isagu daaqada ka baxo xilkiisana lagu buuxiyo Beesha uu kasoo jeeday Taliyihii Ciidamada Baddu Xiirane oo loo magacaabo Wasaarada Nabadeynta iyo Hurumarka Gobolada Bari.

1111(12)Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga in Magacaabista Xilka Xubinta Siyaasadeed ee kasoo jeeda ardaaga Cali Khaliif Galeydh la magacaabi doono ka hor inta aanu Madaxweynuhu u bixin Safarka Bari ee Jabuuti iyadoo lagu wado in uu halkaasi uga sii gudbi doono imaaraadka iyo inkale haseyeeshee, hadalheynta Beelaha harti iyo Siyaasiyiintooda ayaa, siweyn uga warhaya dedaalada Siyaasadeed eek u wajahan dhameystirka saamiga beelaha Dhulbahante.

Comments are closed