Muqdisho:Jan,21,2015(SDN/QJ)-Xulashada Xukuumadda Cusub ee Somalia ayaa ka Bilaabantay Magaalada Muqdisho, waxana uu Ra’isal wasaaruhu wada-tashiyo la wadaa Xubnaha uu talada bidayo oo madaxweynuhu ugu horreeyo.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyaa Somaliya, ayaa sheegaaya in Ra’iisal Wasaaraha uu dhinacyo kala duwan kala tashanaayo magacaabidda Golaha Wasiirada, si uu taageerada uga helo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa la soo sheegayaa in uu ka fekeraayo in Dowladda uu ka dhigo mid wadaag ah, si uu u soo celiyo xubnaha sida dhow loola xidhiidhiyo Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxa sidoo kale uu ka fekerayaa in aanu soo magacaabin xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka, oo Golahiisa Wasiirada uu ka soo xusho ragga wax bartay, ee aan siyasadda ku lugta lahayn.
Laakiin guuxa Madaxtooyada ka jira, ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu daneynaayo in la soo celiyo xubnihii uu murunka ka dhashay ee Golaha Wasiirada lagu soo daray.
Xogaha nasoo gaadhaya, ayaa sheegaya wadatashiyadii ugu dambeeyey ee Ra’isal wasaaraha iyo Madaxweynaha dhexmaraa lagu Go’aamiyey in ugu yaraan laba ama mid kamid ah ragga saaxiibka la ah lagu soo daro, taas oo la sheegayo in la isku afgartay.
Dhawaan ayaa la filayaa in dhawaan inuu Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid ku dhawaaqo Golihiisa wasiirrada, kuwaas oo la filayo inay si weyn uga duwanaan doonaan kuwii uu dhawaan ka noqday.
SDN/QJ
