|

Xumadda Siyaasiyiinta Reer Awdal Ee Uu Tartamaya Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Ee Waddani Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Siyaasiyiin Durba Is Dhiibay Xili Aan La Gaadhin Shirweynihii Golaha Dhexe

Hargaysa , 29 September, 2016-(SDN/QJ) :– Waxa Maalmo Kooban Oo Kaliya ay Ka Hadheen Shirweynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani Isla Markaana Lagu Dooranayey Musharaxa Madaxweyne Iyo Ku Xigeen Ee Xisbigaasi Ma Tali Doona Doorashada Soo Socota Ee Lagu Wado In ay Qabsoonto Sanadkan Soo Socda Ee 2017.

xumada-siyaasiyiinta-reer-awdalWaxa Si weyn Looga Dareemaya Gobolka Awdal Dhaqdhaqaaqa Ololanka Adag Ee Loogu Jiro Hanashada Jagada Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Oo La Sheegay In ay Ku Tartami Doonan Ilaa Inta Hada La Ogyahay 5 Musharax Oo Iyagu Ku dhawaaqay in ay Tartami Doonan.

Musharaxiinta Reer Awdal Ee Uu Tartamaya Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani ayaa Hada Maraysa Meel Xasaasi Iyada Oo Musharaxiinta Qaarkood ay Quus Adag Ka Qaadeen Hanashada Jagadaasi.

Axmed Muumin Seed Waa Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Waddani waxa uuna Ka Mid ahaa Aasaasayaashi Xisbiga Isla Markaana Dadaal Ku Bixiyey Sidii Uu Hanan Lahaa Jagada Musharaxa Ku Xigeen Ee Waddani ayaa Wakhtigan Uu Muuqataa Mid Ka Guustay In Helo Jagadaasi Oo Uu Culus Siyaasadeed ay Kaga Yimadeen Musharaxiinta Kursigaasi Kula Loolamaya Oo Ka Samayn Batay.

Sabti aan Ka Soo Gudubnay ayaa Axmed Muumin Seed Uu Magaalada Borama Uu Kaga dhawaaqay Inuu Musharax Yahay Balse Waxa hadalkiisa Laga dhandhansanayey Niyad Jab Iyo Inuu Iska Haneeyey In Uu Ku Guulaysto Kursigii Uu In Mudo ah Ku Haminayey Isla Markaana Uu Dadaalka Badan Ku Bixiyey.

Beesha Uu Siyaasi Seed Uu Ka Soo Jeedo ayaa si weyn Uu Gudoomiye Ciro Ugu Qanciyey In Uu Seed ahayn Musharax Isla Markaana Uu tanaasul sameeyo Iyada oo In Mudo ah Khilaaf arinkaasi Ku Sahabsan Uu Hursanaa ayaa wakhtigan Uu Muuqataa in Lagu Kala Hagaagay Arinkaasi.

Eng.A/raxmaan Daahir Aadan Waa Xoghaya Guud Ee Xisbiga Waddani uu Qabilsan Dalweynaha Maraykanka Isla Markaana Ka Soo Jeeda Beesha Siyaasi Seed ayaa dhawaan Magaalada Hargaysa Kaga dhawaaqay Hankii Siyaasadeed Oo Uu Sheegay In Uu Sharaxan Yahay Una Tartamayo Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani.

Dhawaaqa Eng.A/raxmaan Daahir aadan Ee Ku aadan Shaacintiisa ayaa Hadal Badan Ka Dhex dhalisay Beesha Uu Ka Soo Jeedo Oo Horey Loogu qanciyey in ay ka tanaasulaan tartankaasi Balse shaacinta eng.a/raxmaan lama garan karo sababta ka danbeysa isaga oo olole balaadhan wakhtigan ugu jira sidii ku heli lahaa jagadaasi oo laga cadcad yahay hanaashada Kursigaasi.

Warar Lagu Kalsoon Yahay ayaa sheegaya In Maalinta Khamiista Ee Soo Socota soo dhawayn balaadhan magaalada Borama Loogu Samayn Doona Eng.A/raxmaan Daahir aadan Oo Hada Uu Tartamaya Jagada Ku xigeen Ee Waddani Lamana Garanayo Sababta Loo soo dhawaynayo musharaxaasi iyada oo Magaalada Borama maanta lagu arkay boodhadh ay ku xardhan yihiin sawirkiisa iyo soo dhaweyntiisa balse waxa laga war sugi doonaa waxa ka soo waxa soo dhawayntiisa.

Ambasadoor Maxamed cali Aw Cabdi Oo Hada ah Musharaxa Ugu Cadcad Uguna Dhaw In Uu Ku Guulaysto Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Oo Tageero Balaadhan Wakhtigan Ka Haysta Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani ayaa Samayn Weyn Oo Siyaasadeed Mar Kaliya Ku Yeeshay Gobolada Galbeedka Somaliland.

Musharaxnimada Ambasadoor Maxamed cali Aw Cabdi ayaa si weyn Iskugu Raacsan Yihiin Beelweynta Uu Ka Soo Jeedo Oo Wakhtigan si weyn Ugu Hanweyn Uu Hanto Jagadaasi Iyada oo Dabaylaha Siyaasadeed Ay Hada Wadato Musharax Ambasadoor Maxamed cali Aw Cabdi.

Xoghaya Warfaafinta Xisbiga Waddani A/rashiid Xasan Mataan Waa Siyaasi Ruug Cadaaya Isla Markaana Wakhtigan Uu Qalma In Uu Ku Guulaysto Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Waddani Balse Ilaa Hada Si Cad Ugama Dhawaaqin Hankiisa Siyaasadeed Laakiinse Warar Xogogaalo oo Laga Helayo A/rashiid Xasan Mataan ayaa sheegaya In Uu Maalmaha Soo Socda Uu Ku dhawaaqi Doono Hankiisa Siyaasadeed Ee Ku aadan Hanashada Jagada Musharax Madaxweyne Ku Xigeen Ee Waddani.

Iyada Oo Ilaa Hada ay Jiraan Musharaxiin Kale Oo Uu Hanqal Taagaya Tartanka Jagadaasi Iyo Siyaasiyiin Kale Oo  Wali Daaha Dabadeeda Ku Jira Oo Aan Ku dhawaaqin Hankooda Siyaasadeed ay Iyagna Loolankaasi Qayb Ka ah.

Si Kastaba ahaate Siyaasiyiinta Reer Awdal Ee Uu Tartamaya Jagada Musharax Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani ayaa Wakhtigan Loolankooda Siyaasadeed Uu Cirka Marayo Isla Markaana Si weyn Looga Dareemayo Caasimada Hargaysa Balse Waxa Laga war sugi Doona Cida ay Golaha dhexe Ee Waddani ay Uu Caleemo Saaran Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Matali Doona Doorashada Fooda Inagu Soo Haysa.

BY.ENG MAHAMED SHARBI YARE

BORAMA/AWDAL

Comments are closed