|

Youtuber taageereyaashii iyo Hantidii Qurbejoogta kala wareegay Xisbiga Waddani

Hargeysa August 08, 2023 (QJ) – Madaxda xisbiga Waddani ee guddo iyo Dibedba ayaa iminka uun yaqiinsaday in taageereyashoodu ka diga rogteen ka dib kolkii ay ku dhiiran waayeen iska dhicinta labada Kornel ee Hargeysa xooga ku jooga.

Xisbiga ururnimada u xuub siibtay ee Waddani oo kolkii horeba aad ugu tiirsanaa taageereyaasha beesha Garxajis ayaa haatan waxa uu wejahayaa xaaladii ugu adkeyd ebid ka dib kolkii ay taageereyaashoodii ugu badnaa taageereen Jabhada Gacan-Libaax.

Taageerayaasha ayaa haatan qaatay goaan kama danbeys ah oo lagu taageerayo Jabhada iyo Youtuber ka Liban Samo talis oo haatan aad ugu ololeeya dagaal ka dhan ah Kornel Biixi iyo Xulafadiisa.

Liibaan oo haatan kacdoonka ka hagaya Garoowe ayaa isbedel doonka oo u badan taageerayaashii Waddani ee gudo iyo dibedba faray in ay taageeraan Jabhada.

Waxaana muuqda in taageereyaashu haatan la safan yihiin Jabhada isla markaana ay hantidii ugu badneyd ay ugu deeqeen sidii labada Korneyl iyo meliishaadkooda looga sifeyn lahaa degaanada beesha Garxajis.

Waddani iyo madax-dhaqameed ay guddida beesha ku sheegaan ayaa ilaa hatan ku dhici kari waayay in ay shaaciyaan in ay taageersan yihiin goaanka Biixi ee gelida doorashooyinka ururada.

Axsaabta aaney mucaarednimadu dhabta ka aheyn ee UCID iyo Waddani ayaa mudo lagu dhaliilayay in iyagu yihiin cida Korneyl Biixi u seeto dheereyneysay, ugu danbeyntiina waxa muuqata in ylaga guuray

Comments are closed