|

Kulmiye oo ku dhiiran waayay tegida Burco inta ay xiran tahay bushaaro Baandey

Hargeysa August 09, 2023 (QJ) – Xisbiga Mucaaridka Kulmiye oo lagu wado bartamaha Bishan in uu kulan ku yeesho magaalada Burco ayaa walaac ka qaba amniga magaaladaa oo aad looga dhaliilay xadhiga wariye Bushaaro Baandey.

Warar aanu heleyno oo arinkan ku saabsan ayaa la sheegay in Korneyl Muuse Biixi ay iminka hortaalo laba daran mid dooro, in uu si degdeg ah u sii daayo wariyaha iyo in Shirka goob kale lagu qabto.

Ashkhaas ka agdhow xaafadtooyada Hargeysa ayaa nala wadaagay in shacabka Bariga Burco oo aad u gadoodsani ay dhici karto in ay shirka ishortaagaan ama ay carqaladeeyaan.

Labada Korneyl oo doonaya in ay Hagbeda Kulmiye ku kala gudoomaan Burco ayaa waxa qorshohoodii khakhal geliyay shacabka gadoodsan ee diidan talada laba korneyl.

Sida hada wax usocdaana, waxaaba suurtogal ah in aan la isla gaarinba shirweynaha Kulmye ee lagu wado in uu ka dhaco Burco August 20, 2023.

Comments are closed