“Xukuumaddu Yaanay Faraha La Soo Gelin Doorashada Maayirka Caasimadda Hargeysa” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi qadir
HargeysaDec22/12 (SDN) – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa shaaca ka qaaday heshiis Sadex beelood oo deegaanka Hargeysa ahi ku shuraakoobeen, kaas oo uu sheegay Suldaanku inay dhigteen sadexdaasi beelood wakhtigii Jagada Maayirnimada Hargeysa loo doortay Xuseen Maxamuud Jiciir heshiis ay ku wada shaqaynayaan marka ay timaado cidda Maayar ka noqonaysa…
