Ergeyga cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo xilka la wareegay
Nairobi 14.Aug.2013 (SDN)-Ergeyga cusub ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, sida lagu sheegay war-saxaaafadeed ka soo baxay dowladda Mareykanka. Ergeyga cusub ayaa beddelay ergeygii hore, James Swan oo ka shaqeeyay Soomaaliya tan iyo August 2011. James P. McAnulty waa dibloomaasi Mareykan ah oo ka howlgalay…
