Puntland oo Dib u celisay Markab Turkey oo siday Raashin ay ku Sheegeen Mid Siyaasadeysan
Garowe 10.Aug (SDN) Waxaa xeebta Dekedda Bossaso soo gaaray Markab sida raashin mucaawino lagu sheegay oo laga soo diray magaalada Muqdisho laguna soo hagaajiyey Degmooyin gaar ah oo ka tirsan gobollada Dowladda Puntland, kaasoo aan Dowladda Puntland wax xiriir ah lagala soo samayn habayaraatee. Qaabka sharci-daradda ah ee raashinkaan lagu soo diray iyo baalmarista Dowladda…
