“Waxay ila tahay Dalalkuna Abtirsiimo kuma dhisna. Xoriyad ayay leeyihiin, Xad bay leeyihiin” Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo Fariin u diray Madaxweyne Gaas
Hargaysa 24.March 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan Nuur) ayaa Maamulka Puntland u soo jeediyey inay ilaaliyaan nabad galyada islamarkaana aanay guluf Colaadeed oo aanay Somaliland iyo iyaguba u baahnayn qalqaalin. “Madaxwaynaha Maamulka Puntland waxaan leeyahay aan nabad ku wada noolaano. Umadda Soomaalida ahi ciday doonto, Dal ahaan ha ku abtirsatee way…
