Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhoweeyay horumarka laga gaaray hawlgallada mileteriga
Muqdisho, 20 Mar 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay guusha mileteri ee ay soo hoyeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee koonfurta-baratamaha Soomaaliya. “Waxaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ugu hambalyaynayaa gacan ku haynta magaalooyin muhim…
