Ra’iisul Wasaare Cabdiweli: “Xorriyadda Saxaafaddu waxay asaas u tahay dimuquraadiyadda”
Muqdisho, May 03, 2014(SDN/QJ)—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta bah-weynta saxaafadda Soomaaliyeed uga hambalyey Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dawladdiisa ay ka go’an tahay kor u qaadista xorriyada saxaafadda. Isagoo ka hadlayey Maalinta Xorriyadda Saxaafadda ee Adduunka, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu yiri: “Waxaan saxafiyiinta…
