Golaha Wasiirada oo ku baaqay in laga wada qayb-qaato gurmadka abaaraha dalka

    Muqdisho, August 21, 2014 — Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka, waxana Xukuumaddu sheegtay inay qaadanayso hoggaaminta dadaalka wax loogu…

    Read More

      Maareeyaha Dekedda Berbera oo ku Biiray Madaxda Somaliland ee Saarka Dhaantada laga tumay

      Berbera 21Aug14(SDN/QJ)Waxa muddooyinkii u dambeeyey dalka ku sugnaa qaar ka tirsan Fannaaniinta ku caan-baxday ciyaarta la casriyeeyey ee Dhaantada, kuwaas oo ka yimi magaalada Jijiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Waxa ay fannaaniinta Dhaantoyahannada ah oo ka soo ciyaar-guday magaalada Jigjiga ay ka qayb-galeen munaasibad xukuumaddu ku marti-qaadday Qurbejoogga dalka ku sugan oo magaalada Hargeysa…

      Read More

        Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa maanta kulan qado ah la qaatay xildhibaanda baarlamaanka ee ku sugan magaalda Nairobi

        Nairobi, 21, August, 2014 (SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa maanta la qaatay kulan qado ah oo ay ku kala warqaadanayeen xidhibaanada baarlamaanka ee ku sugan magaalada Nairobi. Kulankan qadada ah ayaa Ra’iisul Wasaaruhu warbixin ka siiyo xildhibaanada xaalada dalka, iyo shirkii looga hadlayey qaxootiga Soomaaliya ee ka dhacay shalay magaadlada Addis…

        Read More

          Xeer Ilaalinta Guud ee Somaliland oo u Yeedhay Xog-hayaha Guud ee Golaha Wakiilada iyo Isagoo ku Gacan Saydhay Waa Maxay Sababtu?

          Hargaysa 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa si kulul oo degdeg ah uga jawaabay Warqad Xafiiska Xeer ilaalinta Guud looga soo diray. Xoghayaha oo warqadan lagu faray inuu yimaado Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayuu ku tilmaamay mid mad-madaw lagu galinayo Kiiska Walaashii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo hore si…

          Read More

            “Nasiib darrada haysata maamulkan Siilaanyo waxa weeye , wax Allaale iyo waxii codka siiyey ayuu ugu daran yahay” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

            Hargaysa 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, islamarkaana ah Xildhibaan Kulmiye ah, ayaa Dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inaanay Codkooda siin Kulmiye oo uu sheegay inuu majarahabaabiyey horumarkii dalka.   Xildhibaan  Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada ugu cad-cad Kulmiye ee Golaha wakiilada ugu jira ayaan…

            Read More

              Cabsi Iyo Walaahoow la Soo Deristay Maayaro badan oo ka Mid ah Golayaasha Deegaanka kadib markii la fasaxay In Xilka laga qaadi karo

              Hargaysa 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in golayaasha degaannada dalku u fasax u yihiin fadhiyo ay xilka kaga qaadi karaan maayarradooda ama guddoomiyeyaasha ay doorteen. Sidaa waxa uu Cali Warancadde ku sheegay shalay mar uu warbaahinta la hadlay kadib markuu dhammaaday kulan uu la…

              Read More

                Sannadka 2016 oo Amisom ay Gebi ahaanba Somalia ka baxayso

                Muqdisho 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ku-simaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Lydia Wanyoto Motende ayaa shaacisay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ay ka bixi doonaan Soomaaliya marka la gaarayo sanadka 2016. Lydia Wanyoto oo la hadashay Wargeyska New Vision  ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku wareejin doonaan gacan…

                Read More

                  Wiil Somaliyeed Oo Ku Eedaysan Xasuuqii Xeebta Kenya Ka Dhacay Oo Maxkamad La Soo Taagay

                  Nairobi:Aug,21,2014(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Dalka Kenya, ayaa maalintii shalay la soo taagay Muwaadin somaliyeed oo Magaciisa lagu sheegay Omar Abdurahman oo 26 jir ah, laguna eedeeyey inuu lug ku lahaa Dilal dhawaan Ka dhacay Gobolka Xeebta Kenya. Eedeysanaha ayaa la sheegay in bishan August 13-dii lagu qabtay Galbeedka Degmadda Lamu, waxaana loo gudbiyey Saldhigga Boliska ee…

                  Read More

                    Boliska Somalia Oo Bahdilaad iyo Xaqiraad Kala Kulma Ciidamada AMISOM Ee ay Wada-shaqeeyaan

                    Muqdisho:Aug,21,2014(SDN/QJ)-Ciidamada ka tirsan Boliska somalida ee ka Hawlgala Garonka Muqdisho, ayaa bahdilaad iyo xaqiraad baahsan kala kulma Ciidanka AMISOM ee Isla halkaas ku sugan. Boliskan ka tirsan somalida, ayaa subax kasta marka ay shaqada soo gelayaan waxa si joogta ah u baadha Dhiggooda AMISOM, oo muujiyey inaanay ku kalsoonayn shaqada ay Halkaas ka hayaan, isla-markaana…

                    Read More

                      Hargeysa:Masuul Sare Oo Sheegay In Masaajidadda iyo Kiniisaduhu U Siman Yihiin Iyo Shacabka Oo Amakaagsana

                      Hargeysa:Aug,21,2014(SDN/QJ)-Hadal-haynta ugu badan ee Shacabka reer Hargeysa, ayaa noqotay masuul Dawladda Hoose ee Hargeysa ka tirsan oo ku tiraabay Hadal ka dhan ah islaamnimada. Iid Cabdilaahi Huriye oo agaasime ka ah Waaxda Bilicda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa Mar wax laga weydiiyey Masaajid uu  ku xidhay Dayr weyn ku dhawaaqay inaanu masaajidku uga duwanayn…

                      Read More

                        Gudida Siyaasadda Miisaaniyada Qaranka oo labadii Cisho ee u danbeeyay Kormeer ku maraya Laba Gobol oo Dhaqaale lagu Tuhmayo DAAWO

                        Hargaysa 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Waxa Labadii Cisho ee u danbeeyay Gobolada Gebilay iyo Saaxil socdaal ku galaa-bixiyey Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi…

                        Read More

                          Carwo Casri ah oo Sannadkii Labaad oo Xidhiidh ah Hargaysa ka Qabsoontay

                          Hargaysa 20.Aug 2014 (SDN/QJ)- Carwo xambaarsan agabka agabka loo isticmaalo qurxinta iyo nafaqaynta jidhka bini’aadamka oo dabiici ah, ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa. Carwadan oo ka furantay hoolka shirarka ee xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda shalay, laguna soo bandhigay alaabo ka kooban noocyada kariimyada wejiga iyo jidhka, saliidaha timaha, saabuunaha…

                          Read More

                            Mudanayaashii Baarlamanka Somalia ee ka Soo Jeeday Deegaanada Punt land oo ka Hadlay Siday u Arkaan Qodobadii ka soo baxay Wada hadaladii iyaga iyo Madaxda Punt land

                            Garowe 20.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaanno ka tirsan dowladda faderaalka oo magaalada Garoowe muddooyinkan joogay ayaa  shirkii wadatashiga ee soo dhammaaday waxaa ay ku sheegay inuu ahaa mid muhiimad u leh Puntland. Xildhibaannadan waxaa ay caddeyn inay soo dhaweynayan go’aanadii maanta kasoo baxay wadatashigoodii ayna u arkan qodobbadii ka soo baxay inay yihiin kuwo si sax…

                            Read More

                              Mac-adka Faafinta Islaamka ayaa kulan-diimeed u qabtay Dhalinyrada Xaafada Daami

                              Hargeysa, 21,Aug 2014 (IPC)- Mac-adka Faafinta Islaamka ayaa kulan wacy gelin diini ah u qabtay in ka badan 150 dhalinyarada xaafada Daami ee Magaalada Hargeysa. Kulan-diimeedkaas oo lagu qabaty Hotel Shiraaqle e Magaalada Hargeysa ayaa waxaa lagaaga wacyi geliyay arimaa ka soo horjeeda diinteena suuban, sida tahriibta, waalid caasiga, is-qarxinta, adeecid la’aanta Macalinka iyo wixii…

                              Read More

                                DAAWO:Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe”Nicolas Kay wuxuu wadaa xaqdaradii Garoowe lagu dhoodhoobay Hargeysa iyo Muqdishana lagama ogolaan doono”

                                Hargeysa Aug 21,2014(SDN/QJ0-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa daadifeeyay qorshaha uu ku shaqeeyo ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo uu sheegay in uu yahay mid aan u cuntami doonin shucuurta ku kala nool Somaliland iyo Soomaaliya. Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in qorshaha Mr. Kay yahay mid…

                                Read More

                                  Khilaaf Gilgilay Dawlad-Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Keenay In Xubno Sare Xilalkoodii Waayaan iyo Dawladda Dhexe Oo Soo Farogelisay

                                  Addis Ababa:(21,Aug,2014(SDN/QJ)-Khilaaf dibadda u soo baxay oo soo kala dhex galay Maamulka Sare ee Dawlad-deegaanka somalida Ethiopia ayaa keenay Dhammaan Xubanaha Guddida Fulinta ee Xisbiga ESPDP looga yeedho Magaalada Addis Ababa. Tallaabadan loogu yeedhay Xubnaha Guddida Fulinta ee Xisbiga Somalida Ethiopia ayaa lagu sheegay mid la doonayo in Xarunta dhexe ee Dalka laga Maamulaa ku…

                                  Read More

                                    Dawlada iyo Mucaaridka Jabuuti oo yeeshay kulan looga wadahadlay sidii dalkaa degenaasho siyaasadeed loogu soo dabaali lahaa

                                    Jabuti Aug 21, 2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geele ayaa kulan la yeesha madaxda dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN oo uu hogaaminayo Md Ismaciil Geedi Xareed. Labada dhan ayaa ka wada hadlay sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa xiisadihii ka dhashay doorashooyinkii Jabuuti ka dhacay sanadii 2013dii horaantiisii. Labada dhan ayaa yeeshay kulan lab xaarid ahaa…

                                    Read More