Qorshe Hawleedyadii Higsiga Qaranka ma waxaa lagu koobey Daaro & Deyrar Deeq-bixiyayaashu dhiseen & Wado 5 km ah oo qaadhaan lagu dhisey oo kolba la isku sawiro
Waxaa loo doortey nidaamka Dimuqraadiga ah in hogaamiyaha dalka laga dhexdoorto xisbigiisa dhexdiisa ,kadibna shacabka loo soo ban-dhigo si loogu codeeyo mudo kooban oo 5 sanadood ah dareenka shacabka iyo doorasho xor iyo xalaal ah si ay shacabku ugu ciil-baxaan codkooda, dareenkooda, damiirkooda, garashadooda iyo garaadkooda.Dastuurka ayaa muwaadin kasta oo reer Somaliland ah udamaanad qaadaaya in dimuqraadiyada si xalaal ah…
