“Jawaankii Dhuxusha ahaa Haatan waxa uu Taagan yahay 80,000-ilaa iyo 85,000-kun Oo Shilin, Waxan weeye in si waaqici ah loo wada Hadlo Dadkiina waxay u baahan yihiin in la helo….”Wasiir Shugri

    Hargeysa:Jan,07,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka hadashay Nabaad guurka ka jira dalka ee ay keentay Gubista Dhuxushu iyo Dagaalka ay kula jiraan Joojinta Gumaadka dhirta lagu hayo. Wasiirka oo shalay saxaafadda la Hadashay, ayaa qirtay  in qiimaha Dhuxushu si weyn u kordhay, waxana ay soo jeedisay in…

    Read More

      “Saaka Laba Carruur ah Buu Ey Ku Cunay Hortayda, Dhakhtarkii Baa la Geeyey Irbaddii lagu mudi lahaana Dalka Ma Taallo Oo Djibouti Baa Loo Qaaday, Xeerkii……”Xildh. Indho-indho.

      Hargeysa:Jan,07,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Guurtida Somaliland, Xubinna ka ah Guddida Arrimaha Bulshada ee Golahaas, ayaa ka Hadlay Dhibaatooyinka xagga Nolosha ka Haysta Shacabka Somaliland iyo Dibu dhaca ka muuqada Arrimaha Bulshada Dalka. Xildhibaanka ayaa ugu horrayn ka Hadlay Dhibaato ay carruurta Dugsiyada iyo shacabka kaleba ku Hayaan Eyda oo si xad…

      Read More

        “Muqdisho ma diidana Soomaalinimada, laakiin Hargeysa Somalinimada ayey Diidan tahay wax soomaali wada leedahayna Hargeysa lagama maamuli doono. Cali Khaliifna Madaxweynenimo….”Madaxweyne kuxigeenka Puntland

        Garowe:Jan,07,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Cumar Camey, ayaa ka Hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Aragtida kooxda  khaatumo oo sheeganaysa Deegaanada uu madaxweyne-ku-xigeenku kasoo jeedo. Mudane Camey waxa uu tilmaamay inaanu aaminsanayn maamulka Khaatumo, waxana uu si cad u sheegay inaanu aaminsanayn Madaxtinimada Cali khaliif sheegto, “Mawqifkayga Khaatumo ma aaminsani Cali Khaliifna anigu madaxweyne…

        Read More

          Haweenay Isku Qarxisay Saldhig Ku Yaalla Badhtamaha Magaalada Istanbul ee Dalka Turiga

          Stanbul:Jan,07,2015(SDN/QJ)-Haweenay is qarxisay, ayaa weerartay Salhig Boolis oo ku yaalla Magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga, waxana ka dhashay khasaare kala duwan. Guddoomiyaha Istanbul ayaa sheegay in werarkan ay ka dambaysay haweeney isku soo xidhatey waxyaalaha qarxa iyadoo weerarkaasina uu ku dhintey hal askari mid kalana uu ku dhaawacmay. Vasip Sahin guddoomiyaha Istanbul ayaa u sheegay…

          Read More

            “Boorama waa Kursigii dawlada oo dhami ku fadhiday, garbaa naluugu leeyahay inaan tago oo aanu xaalada dejino, Xukuumadduna noomay diran anaguna…” Xaaji Cabdi Waraabe

            Hargaysa 07.Jan 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Guddida joogtadda Golaha Wakiiladda Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-waraabe) ayaa nasiib-daro ku tilmaamay inuu Suldaan reer Somaliland ahi qoriga-qaato, isla markaana waxa uu ku taliyay in Golaha Guurtiddu ay xal ka galaan arrinta Suldaan Abubakar Cilmi Wabar . Sidaa waxa uu Xaaji Cabdi-Waraabe ku sheegay mar uu  warbaahinta…

            Read More

              Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland oo ku baaqay in danyarta la siiyo adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah

              Hargaysa 07.Jan 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaannada golaha guurtida ee maamulka Somaliland ayaa xubnaha sare ee mas’uuliyiinta maamulkaas u soo jeediyay in adeeg caafimaad oo bilaash ah la siiyo dadka dan-yarta ah ee aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagta biilasha caafimaadka. Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha guurtida ee Somaliland oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay…

              Read More

                Mudaharaado Ka Dhacay Magaalda Xarshin,Odyaal La Xidh Xidh-Xidhay Iyo Damaca Madaxwayne Iley.

                Xarshin 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Waxaa  maanta deeegaanka xarshimeed ee  ka tirsan maamulka kilalka shanaad ee  itoobiya ka dhacay mudaharaad ay dhigayaan dadka deegaankaasi Mudaharaadkan oo aha mid balaadhan aya waxa la sheegayaa inuu saamayn balaadhan ku yeeshay isu socodka  iyo ganacsiga  magaalda ,mudaharaadkan ay samaynayaan dadka deegaanka xarshin ayaa waxaa uu salka ku hayaa colaad…

                Read More

                  Deegaano Cusub oo ka Tirsan Buuralayda Galgala oo Ciiidamada Punt land qabsadeen

                  Garowe 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Ciidammada maamulka Puntland ayaa malleeshiyada Al-Shabaab maanta kala wareegay gacan ku haynta deegaanno dhowr ah oo ku dhow-dhow deegaanka buuraleyda ah ee Galgala oo ka tirsan gobolka Bari. Kornayl, Cabdulqaadir Maxamuud oo hoggaaminaya ciidammada Puntland ee Al-Shabaab kula dagaallamaya deegaannadaas ayaa xaqiijiyay qabsashada deegaannadaas. Sarkaalka ayaa xusay inay iyagu weerareen saldhigyada…

                  Read More

                    Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo la kulmay dhiggiisa Turkiga iyo arrimaha ay ka wada hadleen

                    Istanbul 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Sii-haya xilka wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Bekir Bozdag. Labada masuul ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, iyo sidii dowladda Turkigu ay usii wadi laheyd horumarrada ay ka waddo Soomaaliya. Sidoo kale masuuliyiintu…

                    Read More

                      Dhinicii Hore Uga Biyo Diiday Shirweynihii Solja ee Ambassaddor Oo Aqoonsaday Hoggaanka Cusub iyo Nuxurka 9 Qodob oo lagu Heshiiyay

                      Hargaysa 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Hoggaanka cusub ee ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA iyo dhinacii hore uga biyo diiday shirkii ka dhacay Huteelka Ambassador ee lagu doortay hoggaanka cusub ayaa maanta heshiis buuxa ka gaadhay is-maandhaafkii u dhexeeyay. Heshiiskan oo ka kooban dhowr qodob isla-markaana lagu shaacin doono Xafladda xil-wareejinta oo dhacaysa maalinta berri ah, ayaa dhinacii…

                      Read More

                        Digniintii Madaxweyne Siilaanyo ee Siyaasiyiinta Kursigiisa ku Loolamaya Iyo Kulan uu la Qaatay Gudoomiye Muuse Biixi

                        Hargaysa 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeen hore qasriga madaxtooyada ku yeeshay kulankoodii u horeeyay, tan iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkan ka hadlay loolanka ka dhex jira xisbiga KULMIYE. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas, haddana…

                        Read More

                          Guddoomiyaha Mareykanka Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Hadashey Xaalada Guud Ee Dalku Maraayo DAAWO.

                          Hargeysa 06.Jan 2015 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Mareykanka ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Marwo:Muna Cali Fidhin oo muddooyinkii danbe ku sugneyd gudaha dalka Somaliland, ayaa si adag uga hadashey xaalada guud ee dalka, waxaana ay sheegtay in xukuumada dalka ka talisaa ay tahay xukuumadii ugu liidatay ee wadanka soo marta, iyada oo carabka ku dhufatay in ay…

                          Read More

                            Xeer No / 23 -2002/2003 Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland ayaa Xukuumadu Jebisay oo u-baalmartay sife badheedh ah

                            Somaliland Golayaasha Degaanka ee Degmo waliba waxaa loo doortey oo loo daayey in ay dejistaan laguna ixtiraamo xeerar kooda iyo xeegaanadooda heer gobol, degmo iyo tuulaba , xeerarkaas oo aan iyagu marna ka hor imaneyn shuruucda Dastuurka qaranka ee dalka u-yaala. Muwaadin bal-u-fiirso xeerarkan hoose iyo faraqyadoodan tirada badan oo xukuumadan talada haysa ee isku-hilan ay ramiimka ka dhigtey oo ay baalmartay. Qodobka…

                            Read More

                              “Waxaan is weydiiyaa Qoladan Saxaafada ahi Hadmay Jeebada Gacanta Gelinaysaa” Wasiir Cadami DAAWO

                              Hargaysa 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed X. Cali Caddami ayaa Warbaahinta Somaliland qaybaheedda kala duwan ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dhimaha wadadda Ceerigaabo, isaga oo sheegay inay dhaqaale ahaan kaga qayb-qaataan. Hadalkan ayaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigu Mudane Axmed Xaaji Cali Caddami uu Maalintii shalay ka sheegay Kulan ay Gudida dhismaha wadada Ceerigaabo…

                              Read More

                                Afhayeenkii Garabka dibad Jooga ah ee Daladda Sonyo oo dhaleeceeyay Talaabo uu Gudoomiyahoodu Qoraal ugu kala diray Daneeyeyaasha Dalada Sonyo

                                Hargaysa 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Cabdiraxmaan Maxamed Guun oo ka mid ahaa Xubnaha Golaha sare ee wakhtigoodu dhammaaday ee dalladda SONYO ahaana xubin ka tirsanaa dhinaca Musharax Cabdicasiis Xirsi Warsame, sidoo kalena ahaa af-hayeenka garabkaasi Cabdicasiis ee ka cabanaya shirweynihii 7aad ee dalladda SONYO ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warqad uu soo saaray Cabdicasiis Xirsi…

                                Read More

                                  Maamul Goboleedka Punt land oo ka Hadlay Caqabada Hor taagan Heshiis ay Hore ula Galeen Dawlada Federaalka,Isla markaana Waslad Xaaraan ah ka dhigay Jiritaanka Maamulada Mudug iyo Galgaduud

                                  Garowe 06.Jan 2015 (SDN/QJ)- Puntland ayaa markii ugu horraysay shaaciyay inaan la hirgalin heshiiskii sanadkii hore magaalada Garoowe ku dhexmaray masuuliyiin dowladda federaalka ah ee Somaaliya ka socotay iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.   “Heshiiskaas waxaa caqabad ku noqday khilaafka siyaasadeed ee hadda so kala dhex-galay labada dhinc ,waxaana rajaynayaa in heshiiskaas la hirgaliyo oo aysan…

                                  Read More

                                    Norway Oo Dalkeeda Ka Musaafurinaysa Nin Somaliyed Oo Dhalashadiisa Ka Been Abuuray

                                    Oslo:Jan,06,2015(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Dalka Norway, ayaa Maalintii shalay Go’aamisay in Khalid Axmed Taleb oo ahSiyaasi hore oo siyaasadda dalkaas  heer sare ka gaadhay loo mustaafuriyo dalka Somalia. Siyaasigan soomaaliga ah, ayaa maxkamaddu sheegtay inuu dhalasho ahaan kasoo jeedo Dalka Djibouti, balse  uu sheegtay inuu Soomaaliya kasoo jeedo, taas oo been abuur noqotay. Khalid Axmed Taleb,…

                                    Read More

                                      “Ninkaa Suldaanka ahi(Wabar) waa Nin God ku jira,Nin meel wax ka samayn karana ma aha, Nin ciidan Haystana ma aha, nin wax qabanayana ma aha, xukuumaddana waxan u dhaliilayaa…”Boqor Buurmadow

                                      Dudabi:Jan,06,2015(SDN/QJ)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa markale ka Hadlay Arrinta ka dhalatay Dhawaaqa Suldaan Wabar iyo caaddifadda uu ka dhaliyey Gobolka Awdal. Boqorka oo u warramay qaarkamid ah Warbaahinta Dalka, ayaa sheegay in aanay jirin in wax saamayn ah oo uu Suldaankaasi leeyahay, isagoo intaas ku daray in si weyn…

                                      Read More

                                        Madaxweyne Geelaha Djibouti Oo Khilaafka Madaxda Somalia Ku Tilmaamay Mid Kasoo Burqunaya Dhinaca Distoorka, Sida lagaga Bixi Karana Soo Jeediyey

                                        Djibouti:Jan,06,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaacil cumar Geelle, ayaa ka Hadlay arrimo Badan o ay kamid yihiin Awoodda ururka Al-shabaab iyo Khilaafka soo noqdnoqday ee dhibaatadda ku ah HOggaanka Dalka Somalia. Madaxweyne Geelle oo u warramayey Idaacadda VOA-da, ayaa ku dheeraaday ugu horrayn araagtidiida ku aaddan isbeddelka ku yimi Awoodda Ururka halista ku ah Nabadda Somalia ee…

                                        Read More