War Deg Deg ah: Xildhibaan Dhugad oo Goor dhawayd Hargaysa ku Geeriyooday

    Hargeysa, 08 Feb 2015 (SDN/QJ)-Alle haw naxariiste Xildhibaan Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad) oo kamid aha Xildhibaanada ugu muuqa dheer Golaha Guurtida ayaa goor dhaweyd ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaala Magaalada Hargaysa. Xildhibaan Dhugad, waxaa si weyn loogu xasuusta Kaamkiisi uu ku laha Safeeriya, xiligii halganka, kaas oo lagu magacaabi jiray (Kaam Dhugad) wuxuu siweyn…

    Read More

      ” Mucaaridka Jinka iyo Insiguba waxbay u sheegaan, waanay dhagaystaan.” Cali Maxamed Warancade,DAAWO

      Hargaysa 08.Feb 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade waxa uu ka hadlay aragtidiisa Wasiirada Maaliyadda,Arrimaha dibadda iyo Gudoomiyaha Kulmiye ee Madaxnimada u tartamaya “Runtii Madaxweyne ayaa maanta meesha jooga, Kursiguna  horta Nin uun Buu qaadaa, iyaga laftooduna way caddeeyeen inay arrintaas ka tanaasuleen.waxa la yidhi Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaaye…

      Read More

        Maamul Goboleedka Puntland oo Somaliland ku eedeeyay inay Gacan Siiiyaan Argagixisada iyo Muuqaalo ay Soo Bandhigeen

        Garowe 08.Feb 2015 (SDN/QJ)- Weerarkii habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ayaa waxa ka warbixiyay ragii weerarkaasi fuliyay oo ay qaar ka mid ah qabteen. Maamulka Puntland ayaa waxa ay weerarkaasi ku eedeeyeen Somaliland,taliye Xigeenka Ciidamada Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay inay ragani gacan ka helayeen…

        Read More

          RW. Cumar: “Go’aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”

          Muqdisho, February 8, 2015 (SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay adeegga Xawaaladaha oo ay lacago usoo marsiiyaan eheladooda ku nool…

          Read More

            Ballaqaadyo Qarsoon Oo Loo Sameeyey Cabdoo Aayar Iyo Iscasilaadiisa Oo Madaxtooyadu Kasoo Shaqaysay

            Hargeysa:Feb,08,2015(SDN/QJ)-Ka Somow Saaxiibtinimada Dhaw ee Madaxweyne Siilaanyo la leeyahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir, waxa soo baxaya Xogo hoose oo iftiiminaya sababa keenay in wareegtada kasoo baxday Aqalka Madaxtooyada lagu sheego inuu Guddoomiyahaasi iska casilay xilkiisii, taas oo ahayd wax aanay cidina hore u maqlin. Dabagal hoose oo  ay qurbejoog.com ku samaysay…

            Read More

              Weerar Dhimasho Keenay Oo Xalay Lagu Qaaday Aqalka Taliye-ku-xigeenka Booliska Puntland Ku Lahaa Magaalada Boosaaso

              Bosaso:Feb,08,2015(SDN/QJ)-Kooxo aan wali la aqoonsan, ayaa goor dambe oo xalay ahayd weerar ku qaaday Hoy uu degenaa Sarkaal Boolis ah oo ku yaalla Magaalada Bosaso, waxana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida wararku sheegayaan. Ilaa iyo haatan dhimashada ayaa lagu sheegay Hal Askari oo ciidanka  booliska ka tirsanaa, waxana sidoo kale dhaawacmay Hal askari…

              Read More

                Marwada Madaxweyne Siilaanyo Oo Qarsan kariweyday Jacaylka Ay U Qabto Qasriga Madaxtooyada, Rajana Ka Muujisay Soo Noqoshadeeda

                Hargeysa:Feb,08,2015(SDN/QJ)-Marwada Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde, ayaa muujisay Jacaylka ay u qabto inay markale kusoo laabato aqallka Madaxtooyada ee dalka laga hoggaamiyo, waxana ay sheegtay inay qabto rajo ah in markale lasoo doorto Dawladdan Haatan xilka haysa oo ay saamayn badan ku leedahay. Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde oo caan ku ah Ololeyaasha,…

                Read More

                  Madaxweyne Siilaanyo Oo Caydhiyey 6-Badhasaab, Qaar Cusubna Magacaabay

                  Hargeysa:Feb,08,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxameuud(Siilaanyo), ayaa xilalkii ka qaaday Lix kamid ahaa Badhasaabadii dalka, isla-markaana Beddelkooda Magacaabay lix kale oo cusub. Warsaxaafaddeedka ayaa lagu beyaamiyey in Madaxweynuhu Xilalkii ay hayeen ka qaaday Badhasaabkii gobolka Awdal Cabdoo Aayir, Badhasaabkii Gobolka Sool, Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Togdheer, B. ku-xigeenkii Gobolka Saaxil iyo Badhasaabkii Gobolka Saraar. Waxaana Warsaxaafaddeedka oo…

                  Read More

                    Mudo Kordhinta Madaxweyne Siilaanyo+ Kulanka Salaadiinta ee Salaasada iyo Dhaxalka laga Guntay

                    Hargeysa, 08 Feb 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, mawqif adag ayuu iska taagay mudo kordhintii loo sameeyay Madaxweynihii hore, isla markaana wuxuu ku tilmaamay talaabadaa mid kelitalisnimo ah oo meel ka dhac iyo gef ku ah sharciga iyo koritaanka dimoqraadiyada. Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka…

                    Read More

                      Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo ka Jawaabay Hadal ka soo Yeedhay Boqor Buur Madow

                      Hargeysa 08.Feb 2015  (SDN/QJ) -Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sharaxay sababaha keeni kara dib u dhac doorashada Madaxtinimada iyo wakiilada Somaliland ku timaada. Waxa uu sidoo kale meesha ka saaray warar ku saabsan in Madaxdhaqameedka dalka Xukumaddu iskugu yeedhay si looga arrinsado muddo kordhin Xukumadda loo sameeyo. “Warkaasi(In Madaxdhaqameedka lagala…

                      Read More

                        Qorshaha ay Masar ku Difaacayso Marin biyoodka Baab al Mandab iyo Fursado Somaliland u banaan

                        Hargeysa 08.Feb 2015 (SDN/QJ)- Janaraal Muhaab Mimiish oo madax ka ah haayadda  mamausha Marin biyoodka Suweys  ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in Masar aanay marnaba aqbali doonin in uu xidhmo Marin Biyoodka Baab Al-Mandab ee dalka Yemen, haddii la isku dayana ay milateri ahaa u soo farogelin doonto. Janaraalka oo shir-jaraa’id u qabtay…

                        Read More

                          Somaliland oo ka Hadashay Xanuun Xoolaha ku dhaca oo ka Dilaacay Deegaano ka Tirsan Awdal DAAWO

                          Hargeysa 08.Feb 2015 (SDN/QJ) Xukuumada Somailand ayaa ka hadashay xanuun Xoolaha ku dhaca oo ka dilaacay deegaano ka tirsan Gobolka Awdal, isla markaana kooxo ka mida dhakhaatiirta Xoolaha ay u direen halkaasi. Sidaa waxa uu  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Jaamac Maxamed Odowaa ku sheegay mar uu  u waramayay qaar ka mida…

                          Read More

                            Xubno Ka Mid ah Madax dhaqameedka Gobolka Maroodi Jeex oo Ku Amaanay Wasiirka Caafimaadka Waxqabadka uu Muujiyay DAAWO

                            Hargeisa 08.Feb 2015 -(SDN/QJ)-Madax dhaqameedka JSL oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa si balaadhan u bogaadiyey waxqabadka muuqda ee ay Wasaaradda Caafimaadku ka hirgelisay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka iyo kaalinta uu Wasiirka caafimaadku ka qaatay maamul daadejinta Gobolada Bari ee S/Land. Madax dhaqameedkan oo isugu jiray Salaadiin, Boqoro iyo Cuqaal ayaa shirkooda Jaraa’id…

                            Read More

                              “Xukuumada Waxaanu Leenahay Maalinta, Xilku Ka Dhamaado Ma Aqoonsanin” Murashax Jamaal Cali Xuseen

                              Hargaysa 08.Feb 2015 (SDN/QJ)-Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa fariin adag u diray xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo. Musharaxan xisbiga UCID waxa uu sheegay in aanay ogalaan doonin maalin loogu daro xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo, hadii xilku ka dhamaadana la dhisi doono dawlad wadaag ah oo aanay aqoonsan doonin madaxweyne Siilaanyo. Musharax…

                              Read More

                                Degmada Taleex oo uu ka Furmay Shir Nabadeed lagu Heshiisiinayo laba Beelood oo Walaalo ah

                                Taleex, 08 Feb, 2015 (SDN/QJ)- Shir laba beelood lagu heshiisiinayo, ayaa ka furmay deegaan ka tirsan magaalada Taleex oo ka tirsan Gobol Sool, taas oo Qiyaastii 180-KM dhinaca Bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool. Shirkan oo qaban-qaabadiisu socotay muddo saddex bilood ah, ayaa shalay ka furmay isla markaana lagu qabtay Geed Berde…

                                Read More

                                  Shirkada Google Oo Sheegay In Dhawaan Adeega Internet-ka Dunidu Meesha Ka Bixi Doono

                                  London 08.Feb 2015 (SDN/QJ)- Maamulaha guud ee shirkada baadhitaanka ugu balaadhan internet-ka ee Google, Eric Schmidt, ayaa shaaca ka qaaday, xogo uu kaga hadlayo internet-ka, oo uu sheegay in si deg deg ah uu dhawaan adeegiisu hawada uga bixi doono, dib aan loo arki doonin. Maareeyaha Shirkada Google oo hadalkan ka jeediyay shirwaynaha dhaqaalaha iyo…

                                  Read More

                                    WARSAME IYO WARMOOGE:DUNI AAKHIR SABAAN!

                                    Warsame iyo Warmooge waa laba oday oo saaxiib ah mana heshiiyaan mana kala tagaan, kaftanka iyo sheekaduna waa u dhex, waxay ka hadlaan dhacdooyinka maalinlaha ah ee bulshada dhexdeeda ka jira.Waa qormooyin taxane ah oo ka hadlaaya xaaladaha dalka ka taagan. Qore Mustafe Maxammed (Mustafe Daad)   Warsame:  Duni aakhirsamaan dheh                     Dad isdhalaan rogay dheh…

                                    Read More