“Ma jirto shaqo ay ii magacowday dowladda Somalia” Danjire Cali Ameeriko
Muqdisho 12.April 2015 (SDN/QJ)-Danjirehii safaaradda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa sheegay inaysan jirin shaqo ay u magacowday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wuxuu beeniyay warar sheegaya in loo magacaabi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir ama safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Switzerland. Cali Ameeriko oo shalay si rasmi ah u wareejiyay…
